Kenya: oo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan
Dawladda Kenya ayaa laga cabsi qabaa inay rabshado ka dhacaan, kuwaasoo salka ku haya doorashooyinkii 21 Novembar lagu diiday dastuurkii cusubaa. Kadib, markii dadwaynuhu diideen dastuurka cusub ayaa waxaa ay dawladu soo saartay go,aan cusub oo sheegaya "Inay dhamaatay ololahii doorashada,dawladuna aysan ogolayn in wasiiradii MAYAda ay wali ololahoodii sii wadaan" Hadalkaas ayaa ka caraysiiya siyaasiyiintii kale ayagoo sheegay inay kulamoodii dadwaynaha sii wadayaan oo 2 todobaad kadibna ay Mombasa ku qabanayaan kulan ballaaran, madaxwaynuhuna waa inuu is casilo oo oo doorasho hor leh la qabto maadaama ay dadwaynuhu diideen dasturkiisii cusubaa oo ay kalsoonidiina kala noqdeen. Arinkaas Kibaaki waa uu diiday waxuuna ku tilmaamay mid aan dhacaynin oo aan suurta gal ahayn.
Hadaba waxaa shalay wada kulan yeeshay arimaahs madaxwaynihii hore ee wadanka MOI iyo Kibaaki ayagoo kawada hadlayay sida ugu fiican ee arinkan lagu xalin karo, laguna soo celin karo kalsoonidii dawladda oo ah mid aad u liidata hadda, sababtoo ah 3dii sano ee tagtay waxaa lagu dhamaystay dagaal afka ah oo ka dhexeeya golaha wasiirada oo aad moodo inaysan ku wada shaqeynin hal dawlo. Waxyaabaha kasoo baxaya kulankaas ayaa lagu sheegay inuu MOI kula taliyay Kibaaki inuu la kulmo qolyahan kasoo horjeeda ninka masulka u ah kana raadiyo kalsooni, hadii kale waxaa laga yaabaa inay hawshu kasii darto.
Arinta ugu daran ayaa waxay tahay marka uu madaxwaynuhu dib u dhiso golahiisa wasiirada ayaa waxaa laga cabsi qabaa inuu 8 wasiir ee dawladda kasoo hor jeeda qaarkood ka tago, waxayna horseedi kartaa qalalaaso hor leh oo dhalin kara rabshado.