GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Jaalliyad dibada ee gobolka Godey oo waraysi layeelatay xildhibaan A/raaxo.

Waraysi dhinacya badan taabanaya ayay Jaalliyada dibada (Yurub, N. America iyo S. Africa) ee gobolka Godey la yeelatay xildhibaan Abdi-Raaxo oo ah xildhibaan heer federal ah oo laga soo doortay gobolka Godey.

Xildhibaan A/raaxo waxaa uu warbixin dheer ka bixiyay dhamaan hawlaha Killilka sida dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, arimaha bulshada iyo horumarka Killilka gaar ahaana midka gobolka Godey.

Xildhibaan A/raaxo waxuu ugu baaqay Jaalliyada gobolka Godey inay dalka kusoo noqdaan si ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee taala gobolka, waxuuna ku booriyay aqoon yahanka, dhalinyarada iyo ganacsatadaba inay dalka maal gashadaan, islamarkaasna ay aqoontooda ugaga faa'iideeyaan dadka iyo dalkaba.

Dhinaca kale mudane A/Raaxo waxaa uu sheegay in dhaqaalle badan oo cusub loo filayo labada mashruuc ee waaweyn West-Godey iyo South Godey, loona baahan yahay dad aqoon leh oo ka qayb qaata horumarka gobolka. Sidoo kale, waxuu ku nuux-nuuxsaday in haddii dadka gobolka u dhashay ee aqoonta leh dalka kusoo noqdaan ay suurta gal tahay in baahida jirta ay dabooli karaan isku filaansha dhinacyo badan ahna la gaadhi karo.


Kadib warbixintaa waxaa Jaalliyada dibada ee gobolka godey u suurta gashay inay su'aalo waydiiyaan xildhibaanka su'aalahaas oo ay kamid ahaayeen waxa looga baahan yahay Jaalliyada dibada ee gobolka, iyo sida ugu macquulsan ee Jaaliyadu uga qayb qaadan karto horumarka gobolka.

Jaalliyada gobolka Godey waxay muujisay sida ay uga xun tahay dhibaatada xaalufinta iyo nabaad guurka dhulka lagu hayo (enviromental disaster), sida jarida dhirta, waxayna ku adkaysay maamulka gobolka in loo hawl galo siddii looga hortagi lahaa arinka xaalufinta dhulka, taasoo labada dhinacba ay isla garteen in si deg-deg ah wax looga qabto oo dadweynaha laga wacyi galiyo khasaaraha iyo dhibaatada badan ay keenayso jaridda geedaha.

Waxuuna mar labaad ku celiyay waa inay wadankii kusoo noqdaan dadka aqoonta kala gedisan leh ee dibadaha ku noool, kuwaasoo ka qayb qaadan kara horumarinta qaybaha kala gedisan ee arimaha bulshada.

Halku dhaga maanta ee dhirta - Geed ninkii jaraa Geel halaga qaado!

Kuwa geyigi aadayow, reer Godey gabaygan gaadhsiiya

Gunimo haddaad rabtaan geedka wada gooya

Gaajo hadaad rabtaan geedka wada gooya

Gacal la'aan hadaad rabtaan geedka wada gooya

Guul daro haddaad rabtaan geedka wada gooya

Galow inuu idinku ciyo hadaad rabtaan geeka wada gooya

Haddii kale Geed ninkii jaraa Geel halaga qaado!


Waraysigaas iyo wada tashigaas horumarinta Gobalka Godey ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan, kadibna Jaalliyada gobolka Godey waxay magacawday gudi gaar ah oo kumeel gaadh ah oo u kuurgala, baadhitaana ku sameeya baahida gobolka, isla markaasna soo diyaariya qorsha dheer oo loogu hawl galayo horumarinta Gobolka Godey.

Xildhibaan A/raaxo waxaa uu sheegay in hal kudhaga maanta ee shacbiga gobolka Godey uu yahay "Aynu beer falano aan ku baahi baxnee".

"Aynu beer falano aan kubaahi baxnee"

"Aynu beer falano aan kubaahi baxnee"

"Aynu beer falano aan kubaahi baxnee"



Maamulka GodeyNews waxaa uu diyaar u yahay inuu taageero buuxda siiyo walaalahooda u ol-olaynaya sidii loo horumarin lahaa arimaha bulshada ee Gobalka Godey, maadaama uu gobalkan noqon karo midka ugu khayraadka iyo dhaqaallahaba badan, marka loo fiiriyo goballada kale ee Killilka Soomaalida.

GodeyNews Staff,
ShariifBadel

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com