Guddi loo saaray xallinta isku dhacyada qoysaska wada daga Degmada Qalaafe ee Gobalka Godey
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Godey ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha Killilku soo magacaabay guddi ka kooban 3 mudane ayagoo loo dirayo sidii loo soo af-jari lahaa isku dhacyada iyo dilka macno la,aanta ah ee u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dagan deegaanka degmada Qalaafe.
Guddigan ayaa 2 ka mid ah Qalaafe laga soo doortay,kana soo kala jeeda labadan qoys ee walaalaha ah, halka mudanaha 3aad JiJigga laga soo doortay. Guddigan ayaa waxaa awood loo siiyay inay soo dhameeyaan khilafaadka iyo is dilka dhex yaalla qoysaskan oo in muddo ah si gaadmo ah isu laynayay. Muddo ka yar bil ayaa qof deegaanka Qalaafe lagu dilay kaasoo lagu eedeeyay labadan qoys midkood inay dileen. Halka kuwa kalena lagu eedeeyay inay bishii August ee isla sanadkan ku dileen 3 qof duleedka Magaalada Qalaafe.