Warar aan ka helay illo xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Magaalooyinka Fiiq, Godey iyo Hargeelle ay nasiib u yeesheen in sanadkan soo socda la geliyo telefoonada casriga ah ee (Digital System) kaasoo suurta galinaya isticmaalka Mobile telefoonada iyo gelidda hawada.
Sidoo kale waxaa warkan hadda ka hor lagu sheegay (ENA) oo sheegtay inay mashruucan telefoonadan casriga hirgalinayso shirkad Chinese ah oo heshiis la sixiixatay Hay'adda telefoonada iyo Isgaarsiinta ee Ethiopia.
Hawshan teleefoonada casriga ah ayaa sanadkan dhexdiisii ka bilaabatay magaalada Godey, hadana ku dhaw dahay gebo-gebo, taasoo la filayo inay sanadkan soo socda dhexdiisa ay bilaabato isticmaaladda Mobile telefoonada oo wax badan ka badali doonto xiriirka deegaanka.
Hirgelintan telefoonadan ayaa ah mid baahi weyn loo qabo oo khaastan, wax badan ka badali doonta Magaalooyinka Fiiq iyo Hargeele oo labo magaallo madax zone ah, hase yeeshee aan lahayn telefoon ay shacab weynuhu isticmaalaan, taasoo dadweynaha ka curyaamisay dhinacyo badan, sida xiriirkii ay la yeelan lahaayeen Goballada kale ama eheladooda dacalada aduunka kala jooga.