Godey Rural Technology Institute: Ayaa si rasmi ah loo furay , kadib markii dhaqaalle badan loo helay.
Maca'hadka horumarinta reer miyiga(Rural Technology institute Gode) oo ay in ka badan 500 arday hal mar tababar ku qaadan karaan ayaa si rasmi ah todabaadkii hore loo furay. Mashruucan ayaa dhismihiisa la dhameeyey muddo kabadan 2 sano ka hor, hase yeeshee aan waligii hawl gal fiican samaynin sababo dhaqaalle xumo awgeed.
Maanta mar ay Godeynews xiriir la samaysay xubno muhiim ah oo ku shaqo leh macahadka ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Madaxa mashruuca Eng. Cabdiyare Sheekh Muuse oo dib ugu soo noqday Godey kadib markuu Macahadka usoo helay dhaqaalle fara badan oo in badan ka xanibnaa, ula jeedada macahdakan ayaa ah kor u qaadida aqoonta, farasamada iyo horumarinta reer miyiga.
Sidoo kale, Macahdaka Beeraha ee Godey ayaa isagana sanad dugsiyeedkan soo galeen in ka badan 500 arday oo cusub, kuwaasoo ka kala yimid Killilada kala gadisan ee wadanka Ethiopia.
Waxay Godeynews isku dayaysaa sidii ay waraysiyaal ula yeelan lahayd madaxda labadan maca'had oo ku hawlan kor u qaadida waxbarashada Gobalka. Maca'hadyadan iyo kuwa kaleba hadii si dhab ah looga shaqeysiiyo waxay wax badan ka badali karaan guud ahaan waxbarashada deegaanka oo ah mid aad u hoosaysa.