Boodhcaano: 2000 Hecter oo dhul beereed cusub ah oo ay ciidamadu qandaraas ku qaateen iyo 2000 hecter ee kale oo maal mahan la qaybinayo.
Wararka sida rasmiga usoo gaarayo Godeynews ayaa sheegaya inay ciidamada Millatarigu ee Godey ay ku guulaysteen qandaraaska dhulka cusub lagu diyaarinayo kaasoo gaaraya 2000 hectar oo cusub. Dhulkan ayaa waxa laga diyaarinayaa meesha lagu magacaabo Boodh-caano ama Mirab Godey oo magaalada Godey u jirta illaa iyo 65km dhanka Galbeedka.
Tartankan ayaa dad badan oo qandaraas layaal isku dhabar jibiyeen inay ku guulaystaan, hase yeeshee ciidamada ayaa markii danbe la sheegay inay ayagu ku guulaysteen, maadaama ay haystaan qalab badan oo hawsha sahli kara ayna ka dhakhsi badan yihiin qandaraasyaalka kale, sidaas ayaana looga xishay kuwa kale ee tartanka kula jiray.
Sidoo kale 2000 hectar ayaa in mudda ah diyaar ah ayadoo uun la sugayo in loo qaybiyo dadweynaha deegaanka xili aad u dhaw.