Xubnaha ugu muhiimsan xisbiga talada haya ee Killilka ayaa lafilayaa inay shir xasaasi ku yeeshaan todobaadka soo socda Jig-jiga.
Shir aan caadi ahayn oo lagu falan qayanayo arimo dhowr ah aya lafilayaa in uu kadhaco Jig-Jiga todobaadka soo socda. Shirkan ayaa lafilayaa in lagu lafa guro xaallada guud ee Killilka, waxaana lafilayaa in lagu soo qaado wax-qabadka maamulka cusub ee 3dii bilood ee lasoo dhaafay si uusan maamulkan cusub u marin waddaddii ay mareen maamulladdii hore ee Killilka soo maray. Waxaa kaloo lafilayaa in lagu soo qaado siddii loo xoojin lahaa arimaha nabad galiyada iyo horumarka guud ee Killilka.
Wararka GodeyNews kasoo gaadhaya Jig-Jiga waxay tibaaxayaan in xubnaha sar sare ee xisbiga loo kali diri doono gobollada uu Killilku ka kooban yahay, si ay ugu kuur galaan hawlaha maamulka cusub iyo si loo xoojiyo adeegga bulshada oo aan sifiican u wada gaadhin degmooyinka Killilka.
Sida aan la wada socono shacabka Killika ku nool oo in muda ah kusoo jiray maamul xumo iyo musuqmaasuq ayaa ka rajaynaya maamulka cusub inuu layimaado wax lataaban karo, iyadoo dad badani ay qabaan inay lamid noqon doonaan kuwii hore, balse maamulka cusub ayaa isagu u tafa xaydanaya sidii uu guntiga dhiisha isaga dhigi lahaa, doonayana inuu layimaado hufnaan iyo hawl dheeraad ah oo ka duwan kuwii hore, hasa yeeshee maamulka cusub ayaan ilaa iyo hadda soo dhaafin Jig-jiga sidii caadada u ahaan jirtay maamulladii Killilka soo maray.