GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Godey: Khadadkii telefoonada oo halaysan iyo dil ka dhacay magaalada Godey gudaheeda

Sida ay dad badan ka war qabaan khadadkii telefoonada magaalada Godey ayaa muddo todaabad ka badan go,anaa oo aan galaynin. Sababtoo ah, waxaa lagu hawlan yahay sidii loo balaarin lahaa khadadka hadda jira, loogana kordhin lahaa systemka cusub ee digitalka ah kaasoo suurta gelin doona isticmaalidda Internetka iyo Mobiledaba. Hadaba waxaa naloo xaqiijiyay in systemkii khadadkii hore loo isticmaali jiray guud ahaanba Godey laga soo qaaday oo la keenay magaalada Diri-dawa si loogu badalo midka cusub ee la rabo in la geeyo magaalada Godey.

Khadadkan noocan ah sida Internetka ayaa wax badan ka badali doona la xiriirka deegaanka oo hadda lagula xiriiro telefoonada oo kaliya inta badana galidiisu hawada ay aad u dhib badan tahay. Systemka Internetka ayaan ka jirin Killilka Soomaalida marka laga reebo magaalo madaxda Killika ee JiJJiga oo qiyaastii 2 sano ka hor laga hirgeliyay.



Waxaa kaloo ciidamada Booliska magaalada Godey si kama ah xilli habeen ah ugu dileen wiil dhallinyaro ah oo isla reer Godey ah, ciidamada Booliska oo habeenkii wareegaya ayaa waxay la kulmeen wiilkan yarka oo markay istaajiyeen ka cararay kadibna nin Booliskii kamid ah uu xabad ku furay oo wiilkii meeshaas ku dhintay. Hadaba waxaa Godeynews soo gaaraya inay arintan ay hadda gacanta ku hayaan qaybta danbi baarista Booliska Magaalada Godey, lagana sugayo inay soo cadeeyaan sababta marxuumka loo dilay, isla markiiba waxaa la xiray ninkii poliska ahaa ee xabadda ku dilay wiilka. Waxaa kaloo la sheegayaa in ninka poliska ah qoyskooda ay bilaabeen sidii ay mag dhaw uga bixin lahaayeen wiilka sida sharci darada ah loo dilay.

Dilalka noocaan ah ayaa hadda ka hor ka dhacay Magaalada Godey , kadib markii ay sanadkan bilawgiisii 3 nin oo ONLF ay soo gelaan magaalada oo ay nin boolis ah ku dileen iyagana lagaga dilay 1 nin labadii kalana ay baxsadeen.

Godeynews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com