Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay
Jawhar - 13.December.2005 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalada Jawhar ee xarunta dawladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jawhar waxaa ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo golaha baarlamanka ee dawladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey magaalada Jawhar, waxaa uu halkaasi ka jeediyey warbixin kooban oo ku saabsan waddamii uu booqday iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay gaar ahaan shirweynihiid dalalka Islaamka ee uu kaga qayb galay waddanka Sacuudi Areebiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa loo sii gelbiyey halka uu ka deggan yahay magaalada Jawhar oo ah xarunta dawladda federaalka Soomaaliya, waxana la filayaa in uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo safarradiisii iyo guud ahaan qorshaha dawladda Soomaaliyeed xilliyada soo socda.