Madaxweynaha wadanka Kenya mudane Kibaaki ayaa xaalad adag oo siyaasadeed la soo gudboonaatay, kadib markii uu magacaabay golihiisa wasiirada ayaa waxaa bilawday loolan siyaasadeed oo udhexeeya isaga iyo ragii uu golaha wasiirada ka saaray oo hadda ka hor ahaa wasiiro awood badan ku leh dawladda dhexdeeda.
Tusaalle ahaan Mudane Raila Odinga ayaa ah madaxa xisbiga LDP oo hadda ka horna ku jiray xisbiyadii ay dawladda ka koobnayd (NARC). Laakiin hadda waxu ka mid yahay 7 wasiir ee aan loo magaacabin jago wasiirnimo, kadib markii ay dawladda kaga soo horjeesteen dasturkii cusbnaa.
Hadaba siyaasiyiin fara badan ayaa Kibaaki ku tilmaamay nin aan u qalmin jagada madaxweynaha wadanka sabatoo ah, maadaama uu wadanka ku jiro xaalad adag waxaa laga sugayay inuu golihiisa wasiirada ay ka wada dhex muuqdan dhamaan qabiilada kala gedisan ee wadanku ka kooban yahay, walina uu mujiyo dabac dheeraad ah maadaama la diiday dastuurkiisii cusbnaa ee rabay inu wadanka ka hirgelayo.
Waxaa maanta qoraal soo saaray Ururka Muslimka ee Kenya oo ay Kibaaki uga codsanayaan inuu ka noqdo qaabka uu dawladda u dhisay, maadaama uusan ahayn mid cadaalad ku dhisan. Waxay kaloo si toos ah u taageereen hadalkii Mudane Raila Odinga uu yiri waa inuu Kibaaki si deg-deg ah ugu dawaaqaa doorashada baarlamaanka si u kalsoonidii dadwaynaha u helo ama u waayo. Hadii kale waxaan baarlamaanka keenaynaa cod dawladda lagaga qaadayo awoodda si ay doorashada qasab ugu qabato.
Doodan waxaa kaloo ku soo darmaday Diplomaasiyiin wadanka kenya jooga sida Safiirka Jarmalka u u sheegay madaxweynaha inusan dawladda wadi karin ee ay qasab tahay inuu doorasho degdeg ah qabto. Arintaas ayaa aad uga caraysiisay siyaasiyiin fara badan oo kasoo jeeda qabiilka KiKuyu ee madaxwaynaha kana cod sadaay safiirka inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisa.
Hase yeeshee, dad badan oo siyaasadda Kenya ku xeel dheer ayaa waxay siyaasadda madaxwaynaha ku tilmaameen mid aad khatar ugu ah nabad gelyada iyo mashaariicdii horumarineed ee laga sugayay inay maal geliyaan European Union iyo World Bank maadaama aysan ku qanac sanayn qaabka u dawladda u wado.