Eriteria oo diiday inay la kulanto ergiga UN soo dirtay
Dawladda Ethiopia ayaa waxay UN ta usheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso xaduudka labada wadan u dhexeeya oo ay Ethiopia iyo Eriteria in muddo ah isku hayeen.
Hase yeeshee, dawladda Eriteria ayaa ayadu ku tilmaantay hadalka Ethiopia mid loola jeedo saxaafadda iyo in la sheeg sheego oo kaliya. Waxay kale oo ay Eriteria diiday inay la kulanto ergiga UN usii dirtay inay kal dhex galo labada wadan, khaastan waxuu rabay inuu Eriteria kala hadlo cayrinta ay soo cayriyeen shaqaalihii UNta ee wadankiisa joogay.
Mudane Jean-Marie Guehenno iyo khabiirada milatariga ee la socday ayaa waxay Asmara u tageen inay wax ka qabtaan xaaladan cakiran ee ay dawladda Eriteria ku dhaqaaqday, taasoo ay Eriteria diiday gabi ahaanba inay la kulanto, waxayna kaloo u muujisay inay wadanka si degdeg ah uga baxaan maadaama aysan u arag joogitaankooda wax muhiimad ah. Sidoo kale waxay Eriteria UNta uga digtay inay faraha kala baxaan arimaha iyo hawlaha geeska Africa.
Arintan ayaa waxay sii xoojinaysaa dacwadii uu PM Zenaawi u jeediyay ergiga UNta oo ah inay Eriteria ku tala gashay inay xaaladda xaduudka labada wadan ka abuuranto jawi colaadeed oo sabai kara in la isku dhaco.
Wararka ugu danbeeyay ee Asmara kasoo baxaya ayaa sheegaya inuu ergiga UNta uu ugu danbays Arbacada isaga baxo wadanka Eriteria. Laakiin waxuu Jean-Marie Guehenno isku dayayaa inuu isku dhabar jabiyo siduu ula kulmi lahaa madaxda dawladda Eriteria si ay xaaladda xaduudka labada wadan ay caadi ugu soo noqoto.