Khadadkii telefoonada ee magaalada Godey ayaa hadda caadi ku soo noqday kadib markii ay hawada ka maqnaayeen muddo bil ah.
Khadadka ayaa dib loo furay markii loo dhameeyey hawlahii laga waday oo ay ka mid tahay sidii looga hir galin lahaa systemka Digitalka oo wax badan dhanka xiriirka ka sahli doonta.
Laakiin, waxaanan illaa iyo hadda si rasmi ah aanan u ogaanin in la dhamays tiray guud ahaan hawlihii khadadka telefoonada magaalada laga waday, iyo si ku meel gaar ah loo furay iyo in kale.