Bahra daar: Shir ballaaran oo ay EPRDF ugu dabaal dagayaan markii uu maamulka wadanka gacanta ku dhigeen
Warar xog ogaal ah ayaa waxay noo sheegeen in todabaadka soo socda gudihiisa ay xaflad balaaran lagu qaban doono magaalada Bahradaar ee wadanka Ethiopia.
Munaasabadan ayaa waxaa loogu tala galay in loogu dabaal dago guulihii ay EPRDF gaar siiyeen wadanka intii ay gacanta ku hayeen, waxaa marka la filayaa inay kasoo qayb galaan hogaamiyaal ka kala socda Killilada kala gedisan ee wadanka, hay'ado caalami ah iyo safiirada wadamada kala gadisan u jooga wadanka Ethiopia. Hadaba Killilka Soomaalida waxaa si rasmi ah ugu matalaya 3 masuul oo kala ah; 1.Maxamud Dirir 2.ACabdi Cali Shagax 3. Cabdi Raaxo, masuuliyiintan ayaa waxay Addis ababa ka baxayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Hase yeeshee dad badan oo kamid ah qowmiyadaha tabarta daran ama laga awood badan yahay sida Soomaalida ayaa waxay ayugu u arkaan inaysan noloshooda awoodeed, dhaqaalle ama nabad-galyo midna wax iska badalin oo aysan EPRDF wax horumar ah aysan dhulkooda u qaban, balse ay baabiso oo nolosha kala dagaalanto, marka aysan jirin sabab ay ugu dabaal dagaan qabsashadii xukunka ee EPRDF.