EU: Ayaa waxay go,aamiyeen 21/12/05 inay cunaqabateen saarayaan madaxda sar sare ee dawladda Ethiopia
Baarlamaanka Europe ayaa waxay soo jeediyeen in cunaqabateen degdeg ah lagu soo rogo xubnaha muhiimka dawladda Ethiopia sida Raisul wasaare Zenaawi, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo xubnaha kale ee muhiimka ah, waa hadii ay diidaan inay sideg deg ah wax uga badalaan ku tumashada xuquuqda aadanaha oo ay masuuliyiin fara badan oo mucaaradka ah ku xir xirayan yihiin hadda xabsiyada.
Xubnahaan ka mid ah baarlamaanka Europe ayaa waxay ugu yeerayaan dawladaha ee yurub ka kooban tahay iyo xafiis madaxeedyada wadamadaas inay si deg deg ah cunaqabatayn usaaraan madaxda dawladda Ethiopia oo ay ka mamnuucaan ianay aduunka ukala safraan ayagoo maalin kastaba ku xad gudbaya kuna tumanaya xaquuqda shacabkooda.
Qodab aad la iskugu raaciyay ayaa 16/12/05 la hor dhigay baarlamaanka yurub ee Brussels kaasoo la isku raacay in si degdeg ah UN u sameeyso guddi madax banaan oo soo baadha dilka iyo ku tumashada xaquuqda bini aadanka ee ay dawladda Ethiopia kula kacday dadwaynaha iyo xubnaha mucaaradka ee ka biyo diidsan doorashadii baarlamaanka wadanka.
Sharcigan cusub ayaa noqonaya kii 3aad ee European Union baarlamaankoodu kusoo saaro illaa iyo intii rabshaduhu ka dhaceen Ethiopia. Laakiin hadda waxay rabaan inay UN ka dalbadaan inay cunaqabateen rasmiha saarto madaxda dawladda oo loo diido inay ukala gooshaan aduunka illaa iyo inta ay wax ka qabanayaan arimaha ku xad gadubka xaquuqul insaanka.
Qoraalkan danbe ee soo saareen ayaa European Parliament ayaa ah kadib markii uu soo baxay warar fara badan oo sheegaya inay dawladdu illaa hadda ay xir-xirayso wariyaasha madaxa banaan, hayadaha aan dawladaha u shaqaynin NGO iyo waliba dadka udooda dadka la xirxiro sida Qareenada iyo madaxda diimaha.
Hase yeeshee waxaan illaa iyo hadda la garanaynin jawaabta ay ka bixin doonaan Zenaawi iyo xisbigiisa EPRDF dacwadahan iyi han jabaadan European parliament ay ugu sheegayaan inay saarayaan cunuqabateen isaga iyo wasiiradiisa hadii ay wax iska badali waayaan.
Dad badan waxay aaminsan yihiin inaysan baarlamaanka yurub wax badan ka qaadi karin Zenaawi maadaama uu taageero ka haysto wadamada ugu muhiimsan qaarkood ay xubnahaan matalaan sida UK, France, iyo Germany, laakiin waxay doontaba ha ahaatee waxaa soo kordhaya eedaymaha ku wajahan dawladda Ethiopia ee kasoo baxaya international communitida.