Shirkii Bahradaar iyo Hogaamiyaasha ururada 5 Qowmiyadood oo taageeray qaabka ay EPRDF u hirgalisay arimaha fedaraalka wadanka
Shirkii ka socday magaalada Bahradahar ee Killilka Amhara oo ururka EPRDF abaabulay ayaa soo gaba gaboobay. Sidoo kale waxaa kale oo kasoo qayb galay masuuliyiin sarsare oo kakala socday qowmiyadaha 5ta ah ee xulufada la ah ururka EPRDF.
Waxay ururka EPRDF ugu mahad naqeen sida wanaagsan ee ay wadanka uga hir geliyeen nidaamka Fedaraalka ah oo aan hadda ka hor Ethiopia laga samaynin. Samaynta nidaamka wadaaga ah ayay waxay xoojisay isku xirnaanta qowmiyadaha, abuurid dhaqaalle xoog badan iyo waliba in loo sinaado nidaamka fedaraalka ah oo democracy iyo sinaan ku dhisan.
Masuuliyiintii u hadlayay xisbiga matala Killika Soomaalida (SPDP) ayaa waxay ku nuux nuuxsadeen inay aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee nidaamka fedaraalku sahlay inay qowmiyadahu midba midka kale u aqoonsatay xaquuqdeeda heer fedaraal oo ay abuurtay jawi midnimo ah oo aan qolana la siri karin oo ay xaquuqdeeda iyo miisaaniyadeeda miiska ka qaadanayso.
Sidoo kale waxay si kulul u can baareeyeen xisbiyada mucaaradka ee CUD oo ay ku tilmaameen inay wataan ajenda qabiil ah iyo in dadku kala sareeyo oo ay qowmiyadaha qaar xaq uleeyihiin waxayna kuwa kale xaq u lahayn, ayagoo isku dayey inay afganbiyaan dawladda wadaaga ah si ay ugu suura gasho riyadooda, marka waa in qowmiyad kastaba ay ka warhayso qolyahaan yarka ah ee rabashadaha iyo dhibaatada horinaya.