GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Degmada Ijara oo ka bad-baaday abaaraha ka dhacaya Gobalka Waqooyi Bari intiisa kale

Gobalka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka dhacaya abaaro daran oo dad iyo xoolaba ay ku dhamaadeen. Meelaha ugu daran gobalka ee ay abaaruhu sida xun u wax yeeleeyeen ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Mandera iyo Wajir.

Degmooyinkan ayaa dad fara badan bishii lasoo dhaafay ka qaxeen ayagoo u kala qaxay dhinaca Soomaaliya iyo Ethiopia oo ayagu laftigoodu aan helin roobabkii dayrta ee la sugayay. Dadkii ka qaxay konfurta wajir ayaa waxay badankoodu gaareen deegaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose, halka kuwa galbeedka ay gaareen illaa iyo Mooyaale Ethiopia. Laakiin waxay abaartan si xun u wax yeelaysay deegaanka degmada Mandera oo ay dad iyo maalba sahayatay.

Sidoo kale meelo kamid ah degmada Garissa ayay abaaruhu wax yeeleeyeen oo ay dadku aad u tabaalaysan yihiin, ayadoo dad fara badan ay xaduudka soomaaliya ka talaabeen khaastan deegaanada ku teedsan xuduudka dhinaca degmada Ijara iyo Garissa iska qabtaan. Dawladda Kenya ayaa waxay todabaadkii hore fasaxday lacag 40 million oo shillin kenya ah oo gargaar ah oo looguna tala galay in lagu caawiyo dadka abaaratu ku waxyeelaysay goballada kala gedisan ee wadanka.

Nasiib wanaag degmada Ijara oo juqraafi ahaan magaalada Garissa kaga aadan xaga konfureed ayaa iyadu ka badbaaday abaarahan, heshayna roobab fara badan oo jidadkii baabuurta ee deegaankaas meelaha qaar xiray. Sida aan warar ku helayno jidkii u dhexeeyay Ijara- Sangailu iyo Ijara-Lamu ayaa ka xirmay (Boodei area). sidoo kale jidkii ka bixi jiray xarunta degmada Ijara ee Masallaani ee aadi jiray Mombasa ayaa isagana mudo todobaad ah u xirnaa roob daraadiis.

Dhulkan ayaa ah dhul hawd ah ama baddo ah oo ay geeduhu ku badan yihiin,waxaa ku badan dhulka dhasheega ah oo hadii ay roob yar ku da'o dhakhsaba buuxsama taasoo sababi karta in jidadka baabuurta ee deegaankan oo aad u liita ay xirmaan.


Axmed Noor
Godeynews.com,
Gsarissa.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com