Madaxweyne Kibaaki ayaa wax yar ka hor degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Wajir
Madaxwaynaha wadanka Kenya mudane Kibaaki iyo wafti uu hogaaminayo ayaa wax yar ka hor ka degay garoonka diyaaradah ee magaalada Wajir, waxayna rabaan inay soo ogaadeen sida ay abaartu u wax yeelaysay deegaanadan iyo kuwa kale oo ka mid ah Gobalka Waqooyi Bari.
Madaxweynaha ayaa usii gudbi doona magaalada Mandera oo ah meesha ugu daran ee dhibaatada abaaruhu wax yeeleeyeen, in muddo ah ayaa siyaasiyiinta u dhashay deegaanka Mandera iyo hay'adaha (NGO) ay dawladda u sheegayeen inay abaar xun kusoo socoto deegaanka, laakiin dawladdu aysan dhag jalaq usiinin digniinahan ayadoo ku mashquul saneed siyaasad raqiis ah oo aan bulshada wax tar u lahayn.
Madaxweyne Kibaaki iyo maamulkiisa ayaa lagu eedeeyay inaysan xiligii saxda ahaa wax u qabanin dadka ku tabaalaysan abaarahan oo ay in badan oo kamid ah u dhinteen gaajo iyo haraad. Dadka illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay waxyaabo la xiriiri abaaraha ugu dhinteen Gobalka Waqooyi Bari ayaa gaaraya 27 qof oo u badan caruur iyo dad waayeel ah.
Waan idinla soo socodsiin doonaa, waxii kolba kasoo kordha socdaalka madaxwene Kibaaki iyo waftigiisa uu ku marayo degmooyin ka mid ah Waqooyi Bari Kenya.