JigJiga: Dadweynaha degan magaalooyinka Qabridaharre iyo Qalaafe oo loo qaybiyey shandara-wadaha kaneecada (Mosquito Nets)
Wasaaradda caafimaadka ee Killilka Soomaalida ayaa waxay sheegtay sida ay uga hortagayaan cudurka Duumada oo sida qaalibka ah ku dhaca dadka degan meelaha qoyan ee hooseeye.
Cudurkan duumada dadka qaba ayaa la filayaa inay soo baxaan muddo 2 bilood ah ka dib, marka wasaarada caafimaadka waxay isku dayaysaa sidii ay dadka uga caawin lahayd ka hortagga inay dadku helaan waxay iskaga difaacaan qaniinidda kaneecda oo kadibna isu badasha cudurka Duumada.
Madaxa laanta la dagaalanta duumada ayaa waxuu JiJiga ka sheegay inay diyaariyeen qaabkii iyo qalabkii looga hortagi lahaa cudurka duumada, hadana ay diyaariyeen qalab ku filan 250000million oo badankooda degan dhulka deegaankooda hooseeye. Dadka hadda kaneecdu qaniintu ayaa waxuu cudurka duumadu kasoo bixi doonaa inta u dhaxeysa March iyo June.
Hay'adaha Global Fund, WHO iyo Unicef ayaa ka qayb qaadanaya ka hortagga cudurka duumada. Dadweynaha degan magaalooyinka Kelaafo iyo Kebridaharre ayaa waxaa loo qaybiyay shandara wooyinka kaneecda oo casri ah oo hadii ay kaneecadu usoo dhawaato ay dhimaynayso, sababtoo ah waxaa lagu buufiyay Chemical isla markaasba dilaysa kaneecda.
Waxaa kaloo hadda lagu hawlan yahay sidii qalabkan loo gaarsiin lahaa 5 degmo oo kale oo dadkeedu helis u yihiin cudurka duumada.