Madax ka noqoshada mashruucan ayaa ah mid aad muhiim u ah oo runtii u baahan dad karti iyo aqoon u leh hawlaha loo baahan yahay. Hase yeeshee nasiib xumo mashruucan oo hadii si fiican loo maamulo isku filnaansho gaarsiin lahaa dadka deegaanka, dhanka cuntadana kaga filnaan kari lahaa.
Sida la wada ogyahay maamuladii hore ee Killilka ayaa waxay u magaacabi jireen mashruucan dad aan aqoon iyo dareen wadanimo midna lahayn.
Maamulayaashii hore ee mashruucan ayaa kusoo caan baxay dhunsiga maalka iyo maamul xumo aad u liidata, dhamaan mashaariicdii maalgalineed ee loogu tala galay mashruuca ayaan badan keeda soo dhaafin jirin JigJiga oo geli jirtay dad kooban gacantood.
Hadaba magacaabista Axmed mawsar ayaa iyana dad badan soo dhaweeyeen maadaama ay dad badan ku tiilmaameen inuu yahay nin u qalma maareeyeenimada mashruucan oo karti,aqoon iyo dareen wadanimo intuba leh, isla markaasna kasoo jeeda deegaanka Godey oo waxyaabo fara badan ka caawinaysa.
Laakiin war jiraaba cakaaruu iman oo dad badan ayaa sugaya qaabka uu Axmed Mawsar u guto hawshiisa iyo waajibaadka dusha laga saaray, taasoo laga filayo inuu is badal degdeg ah ku keeno qaab u socodka mashruucan.
Mideeda kale masuuliyiinta maamulka Killilka ha ogaadaan inay jiraan dad fara badan oo meelo kala gedisan kunool kuwaasoo danaynaya diiraddana ku haya barnaamijyada horumarineed ee kasocda gudaha wadanka.