GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Haya'adda OWDA: Mashruucii Caafimaadka & Biyo Gelinta Magaalada Dhanaan (Denan Project) oo Si Fiican Lugihiisa Ugu Istaagay

Mashruuca loogu magac daray (Denan Project) ayaa waxuu u qaybsamaa dhinaca Caafimaadka iyo Biyo gelinta magaalada dhanaan, mashruuc ayaa aad muhiim ugu ah bulshada ku nool deegaankaas oo in badan biyo la,aan iyo caafimaad xumo ay ku haysay deegaanka degmada Dhanaan hoos yimaada.

Hay'adda OWDA ayaa markii ugu horaysay mashruucan ku bilowdey miisaaniyad aad u kooban oo ay ka heshey deeq bixiyaal American ah oo markii danbana noqdey hay'adda la baxdey (THE DENAN PROJECT).

Hadaba waxuu mashruucu ku bilowdey 1 Dhakhtar iyo 5 kal-kaaliye oo ku shaqeynaayey si Voluntary ah waxayna hayaddu geyn jirtey Magaalada Dhanaan daawo lacag la,aan ah oo si joogto ah u gaari jirtay dadweynaha deegaanka Dhanaan. Kadib markuu mashruucu dhaqaaqey waxey hay'addu Denan Project isu diyaarisey iyadoo isticmaalaysa haya.adda OWDA qaabkii ay ula wareegi laheyd ugana shaqeysiin laheyd HEALTH CENTER cusub oo ay dowladu Killilku ka dhistey Magaalada Dhanaan, waxey kaloo haya'addu ka qoday dhakhtarka dhaxdiisa barkad weyn oo biyaha loogu keydiyo magaalada.

Sanadkan 2005 horaantiisii waxey haya'addu ku guuleysatey inay rasmi u shaqaaleysiiso 5 kalkaaliye ee dhakhtarka kula shaqeynaayey sida Voluntariga ah, waxaa kale ooy haya'adu ku kordhisey mashruuca waxyaabahan soo socda.

1- Waxaa health center kii lagu daray qayb dadka jiran la seexiyo oo illaa iyo 20 sariirood oo loogu talagalay bukaanka gaar ahaan kuwa laga keeney tuulooyinka miyiga ah ee ku xeeran Magaalada Dhanaan.

2-Matoor dabka dhaliya oo 4 bastoonle ah kaasoo xarunta caafimaadka loo shido isla markaana waxey haya'adu u shaqaaleysey 1 nin matooreysta ah oo ku qoran matoorkaas

3- Waxey kaloo gaysay qalab caafimaad oo badan oo ugu muhiimsan Sheybaar oo aan hadda ka hor ka jirin deegaanka

4- Sidoo kale waxey haya'adu hadda shaqaaleyneysaa 2 Nursesi buuxa ah iyo 1 qof oo sheybaarka aqoon u leh

5-waxay haya'addu keentey baabuur Umbalance ah oo ah midka kor ku sawiran oo cusub ahna kuwa loo yaqaano TOYOTA LAND CRUSER HARDTOP kaasoo qalabeysan, waxuuna hada joogaa magaalada JiJiga isagoo maalinta barito ah u bixi doona Magaalada Dhanaan si uu uga qeyb qaato gurida bukaanka iyo gaadhsiinta bukaanka culus isbitaalka Magaalada godey

6-waxey kalooy haya'adu dib u dayactireysaa 17 qol oo ka mid ah xarunta caafimaadka ee Dhanaan si mashruucu u noqdo mid dhameystiran

Waxay haya'adda OWDA gacan aad u balaaran ay ka heshaa Wasaaradda Caafimaadka ee Killilka taasoo taageero aad wanaagsan kasiisa dhinacyo badan oo hawlahooda caafimaadka khuseeye. Tirada guud ee shaqaalaha mashruuca caafimaadka Dhanaan waxey gaarayaan bilowga sanadkan cusub 14 qo oo si buuxda uga hawl gali doona deegaanka magaalada Dhanaan.

Waxaa kaloo haya'adu bilaabeysaa bilowga sanadka cusub biyo galinta Magaalada Dhanaan iyadoo biyahaas laga soo jiidaayo ceelka KOORE oo magaalada u jira illaa iyo 14km. Sidoo kale waxaa mashruucaan biyo gelinta haya'ada gacan ka siinaya ama ay iska kaashanayaan Wasaarada Biyaha ee Kililka.

Haya'adda wada mashruuca Denan Project oo haya'adda OWDA kaashanaysa ayaa waxaa kale oo ay hadda ka fikireysaa qaabka iyo sidii ay wax uga qaban lahayd dhinacyada waxbarashada iyo shidaalkaba.


Godeynews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com