Waxaa Maant ku geeriyoday Jeelka Magaalada Hargeysa wiil kamid ahaa wilashi ku xidhnaa Jeelkaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Xuseen (Kuukay)
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargaysa ee Xarunta u ah Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaliya, ayaa waxay sheegayaan in uu Alle ha u naxariistee Axmed Maxamuud Xuseen (Kuukay) ku geeriyoodey Jeelka weyn ee Magaalada Hrgaysa. Axmed wuxuu ka mid ahaa dhaliinyarada Ogaadeeniya ee sida dulmiga ah loogu haysto Magaalada.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Axmed u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey jidh dil aad ba'an oo ay u gaysteen maleeshiyada maamulka Waqooyi Galbeed bilihii ugu danbeyey.
Waxaa sidoo kale ku xidhxidhan dad reer Ogaadeeniya ah oo boqolal ka badan dhamaan dhulka ay ka arimiso maleeshiyada Waqooyi Galbeed Somaliya. Dadkaas waxaa ka mid ah dumar, wayeel iyo dhaliin yaro aan waxba galabsan oo si dulmiya loogu qabqabtey deegaankaas, waxaa kaliye ee lagu haystaana waa haybtooda reer ogaadeeniya. dadkaas qaybo ka mid ah waxay ku rideen xukun 5 sano ah iyo wixii ka badan, qaybo ka mid ah dadkaas lagama warhayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen oo aan ka ahayn in la qabtay.