Meesha la dhaho Gidhibka waa meel ka weyn meelo fara badan oo maanta degmooyin ku magacaaban marka la fiiriyo balaca magaaleed, mid wax soo saar iyo tiroba. Magaalada Gidhibka waxay ku fadhidaa biyo xidheenka Gidhibka oo ah mashruuc baaxad weyn kuna fadhiya bananka ugu waaweyn bananka gobolka Godey, waxaana la sheegay inuu yahay kan ugu weyn dalka Ethiopia iyo-waliba geeska Africa.
Mashruuca Mira'ab Godey waxaa qorshihiisii ugu horeeyay la helay 1960s, laakiin waxaa la aas-aasay sanadkii 1986 qorshihiisu ahaa in uu dhaqan galo mar hore ayaa caqabooyin horyimid dartood u dhaqaaqi waayay xilligaas, wuxuuna si rasmi ah dadka deegaanka degan usoo gaaray sanadkii 2002 taasoo lagu bilaabay 100 hecter. Hada mashruuca waxaa dhaqan galay oo la qaybiyay 2000 hecter waxaa sanadkan soo socdana la diyaarinayo 2000 hecter oo cusub taasoo la rajeynayo inay dadka ka caawiso dhibaatada roob la�anta ah ee ka jirta Gobelka Godey iyo Gobolada Ogaadeniya guud ahaanba.
Mashruuca Gidhibku wuxuu magaalada godey ka xigaa dhanka galbeed sida magaca{Mi�rab Godey} cadeynaayo waxuuna Magaalada Godey u jiraa 61km marka wadada Boodhcaano la raaco ama 45km marka la raaco wadada Jiilka wabiga shabeele{ wabiga ugu dheer dalka Ethiopia}..
Magalada miiraab Godey waxaa gudaheeda ku nool dad ka badan 4000 qoys oo isugu jira kuwa dhul beereed lasiiyay iyo kuwa sugaya beeraha cusub. waxaa kaloo kasii badan dadka degan deegaanda ku hareeraysan magaalada. Dhinaca waxbarashada magaaladu waxay leedahay 1 iskuul dugsi hoose ah, 2 iskool oo Madaraso diini ah, 1 Clinc Caafimaad ah iyo 1 Clinic vertinery ah oo xoolaha lagu daweeyo.
Mashruuca waxaa kale oo qorshaha ku jira mashruuc koronto dhalin ah oo loo yaqaano (hyrdro electric power) oo ay Ethiopia caan ku tahay, sida kan ugu weyn ee ah wadanka{koka dam} taas oo loogu tala galay in uu kornto galin baaxad weyn oo Gobolka Ogaden oo dhan gaadhi doono, iyo waliba wadamada aan deriska nahay hadii loo baahdo.
Magaalada Miira'ab Godey waxaa ku hareereysan tuulooyin makac dooyin ah oo ka da'a weyn magaalada Godey waxaana kamid ah kuwa ugu waaweyn; Garab-jabiye , Xaaji Aadan, Dameerey, Kabxan, Boodhcaano, Bardi_Qorax, iyo Dabaaldeg.
Hadaba Magaalada Gidhibka oo baaxadaasleh, kuna fadhida ilaha dhaqaale ee Gobolka iyo dalka guud ahaanba Iyo waliba qorshihii balaarnaa ee dib u dajinta dadwaynaha Gobalka ayaa waxaa is weydiin mudan maxaa u diiday inay si rasmi ah u hesho aqoonsigeeda Dagmo noqosho?
Waxaan ku fasiri karnaa inaysan haysanin dad si fiican u matala danta deegaanka ay ku fadhido Degmadu iyo inay jiraan dad siyaasadda iyo kuraastooda baarlamaan si khalad ah u isticmaala kuwaasoo caadaystay inay ka naxaaan waxii horumar ah ee dhulka kusoo kordha iskuna daya inay hor istaagaan wax kasta oo bulshada dhulka Ogaadeenia horumar u leh.
Hashe yeeshee waxaan u sheegaynaa dadwaynaha Degmada Mira'ab Godey iyo inta jecel horumarinta dhulkaba, inay jiraan dadaallo fara badan oo ay wadaan masuuliyiin sarsare oo dawladda dhexe iyo midda Killilka kamid ah sidii ay Magaalada Miiraab Godey u noqon lahayd Dagmo si loo hormariyo khayraadkeeda dabiiciga ah ee balaaran loogana wada faaiidaysan lahaa.
Waxaan kaloo soo wadnaa inaan soo uruurini howlo badan oo ay wadaan haayadaha ku shaqada leh hormarinta barnaamijkan sidaasi daraaded waxaan rajay naynaa in aan soo gudbi doono warbixino kale oo tafatirin oo ku saabsan isla baarnijkan isaga ah iyo meesha ugu danbaysa ee uu hadda marayo.
M.Qaladiid Godeynews.com, Godey.
|