JIGJIGA: Maamulka Abdullaahi Hassan oo la sheegay inay rabaan inay deegaanka Raaso degmanimo u magacaabaan, taasoo khatar iyo dagaal hor leh keeni karta
Warar xog-ogaal ah oo Godeynews soo gaaraya ayaa sheegaya inuu maamulka uu mudane Abdullaahi Xasan Lugbuur uu madaxda ay ka yahay ay qorsheenayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen dagaalka sokeeye ee inta badan kasocday deegaanka Raaso. Labadan qolo midood ay rabto inay xoog ku qabasato deegaankaas ayadoo isticmaalaysa taageerada ciidamada dawladda dhexe oo markasta oo dhulka laga saaro dib ugu soo celiya meelahii laga saaray.
Hadaba ciidamada dawladda dhexe ayaa qoraal u keenay madaxweynaha Killilka ay leeyihiin waa xalka ugu danbeeya, waana in siduu yahay loo fuliyaa. Qoraalkan asaga ah waxaa ku qoran ayaa la sheegayaa in dawladda killilka si degdeg ah loogu aqoonsado inuu yahay ayugu leeyihin, waana in deegaanka Raaso loo aqoonsado degmo buuxda.
Madaxweynaha Killilka ayaa arintaas siday tahay u qaatay waxuuna siyaasiyiintii deegaanka kasoo jeeday u sheegay inuu arinkaas ciidamadu usoo jeediyeen sidiuu yahay u fulinayo, oo uusan u baahnayn qolyaha kale inay rayi ku yeesheen arinkan.
Hadalada noocan ah ayaa magaalada JigJiga buuq fara badan ku keenay khaastan masuuliyiin iyo siyaasiyiin fara badan oo kasoo jeeda lixda Gobal ee qabiilka Ogaadeenka ah u badan yahay, waxaa laga yaaban yahay sabata Abdulaahi Xasan uusan u tixgelinaynin qoraalkii ay soo saareen 2 bilood ka hor guddigii ka koobnaa 6da xildhibaan ee isaga laftigiisu u diray deegaanka. Waxay kaloo masuuliyintan sheegayaan inay khalad tahay inuu qaato go,aanka ciidamada sababtoo ah waa khalad reebaya cawaaqib xumo iyo dagaallo aan daba dhamaanaynin.
Hase yeeshee Cabdullaahi Lugbuur ayaad moodaa inuu arintaas ku adkaysanayo oo uusan u baahnaynin wax ka dawan waxa ay ciidamada dhexe usoo sheegeen.
Arintaan ayaa ah mid khalad ah oo ay adag tahay inay hirgasho sababtoo ah ciidamada dawladda dhexe waligood ma illaalinayaan dadkan cusub ee la rabo in ladejiyo deegaanka, macquulna ma aho in dadkii dhulka deganaa qarniyo laga raro guryahoodii iyo beerahoodii si loo dejiyo, kuwa kale oo sheegtay inay deegaanadoodii iskood uga soo guureen.