GODEY: Isku dhacyo dagaal qabiileed oo ka dhacay degmada Mustaxiil ee Gobalka Godey
Wararka inaga soo gaaraya tuulada Iimaan Ciis ee degmada Mustaxiil ee gobolka Godey ayaa sheegaya in todobaadki hore qilaaf soo kala dhexgalay dad walaala ah oo wada daga tuuladaas uu sababay dhimasho 5 qof ah.
Dadka geeriyooday oo 4 ka mid ah hal qows ka soo wada jeeday halka marxuumka kalena uu ina adeerood ahaa ayaa xalinta arintooda waxaa ku mashquulsan madaxda degmada Mustaxiil iyo saraakiil ka socoto gobalka Godey.
Dhimasha 4 qof ayaa ku timid aargoosi, dabadeed marki nin ehel u ahaa afartan qof uu isaga dilay marxuum walaal lahaa ninka geystay dhimasha afarta. Wararka waxey intaasi ku darayaan in labadi gacan ku dhiigleh ee falkan ka danbeeyey aanan ilaa hada laheyn iyadoo laga shaki qabo inay u baxsadeen xaga iyo Somalia.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada nabadgalyada ee gobolka Godey oo la shaqeynayaan Policeka degmada Mustaxil ayaa hada gacanta ku hayo baariista arintaas.
Gobolka Godey ayaa mudooyinkan danbe ay ku soo bateen isku dhacyada dadka walaalaha ah ee wada dago tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha, waxay aheyd dhowr bilood uun mudo laga joogo marki aaga Haarweyn uu ka dhacay isku dhac dad walaala ah, iyadoo sidoo kale uu isku dhac ka dhacay mudo aanan sidaasi u sii fogeyn aaga Feerfeer qeybta gobolka Godey kala leeyahay xadka dhanka gobolka Hiiraan.
Ciidamada nabadgalyada ayaa iyagu lagu eedeeyaa inay jawaabta ay ka bixiyaan wax ka qabadka dhibaatooyinkan ay tahay mid soo daahda inta badan, ayna daahidaas sababto in qasaaruhu kabato inti hore.