JigJiga: Gaari laga lahaa Wasaaradda Beeraha Killilka oo la xabadeeyey 1 qofna ku dhintay
Warar naga soo gaaraya magaalada JigJiga ayaa waxay noo sheegeen in shalay la xabadeeyey gaari laga lahaa wasaaradda beeraha ee Killilka.
Gaarigan ayaa lagu xabadeeyey meel u dhow magaalada Awasso ee Killilka Anfarta waxaana ku dhintay Allah u naxariistee marxuum kasoo jeeda deegaanka Godey magaciisana lagu soo gaabiyay Axmed oo kamid ahaa illaalada wasiirka beeraha oo aan la soconin gaariga, hase yeeshee uga sii horeeyey Godey.
Sida ay wax u dhaceen iyo cidda kadanbaysay dilkan ayaa Godeynews loogu sheegay sidan;
Waxaa jirtay inuu gaarigu kasoo baxay JigJiga kuna socday Godey asagoo isticmaalaya jidka dheer ee dhex mara Killilka Oramada iyo Anfarta, hadaba markuu gaarigu marayo meel udhow Awasso ayaa waxaa xabadeeyey niman hubaysan oo aan la garanaynin cidda ay yihiin, laakiin loo malaynayo inay ku sal leedahay colaadda soo xoogaysanaysa ee u dhexaysa Oramada iyo Soomaalida.
Waxay Godeynews idiin soo gudbin doontaa xilli dhaw magaca marxuumka uu dhamaystiran iyo kolba waxii war ah ee soo kordha.