GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Marxuum Mawliid Daahir Gaarane oo ku dhintay xabadii lagu furay gaarigii Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Killilka

baabuurkii cabdulaahi cabdi aadan laag oo ah wasiirka beeraha ee kililka ayaa jijiga ka soo baxey isagoo usucda godey oo raba inuu wadadan kore ka wareego ee dhinaca liibaan iyo afdheer. Waxaa baabuurka saaraa darawalkii oo nin xabashi ah iyo nin kale oo isaguna itoobiyaan ah oo harar ka soo raacey iyo wiilkii istaafka u ahaa wasiirka oo magaciisu yahay Mowliid Daahir Gaarane waxuuna kasoo jeedaa deegaanka Godey.

Hadaba markuu baabuurku maraayo meel 3kl ujirta meesha looga leexdo magaalada Bardoode oo ka mid aheyd degmooyinka soomaalida ee Killilka Oromada la raaciyey ayaa 3 nin oo Oromo ah ey gaadhigii joojiyeen ka dibna rasaas ayey ooda kaga qaaden waana maalintii jumcadii waxaana isla markiiba ku dhintey goobtii marxuumkaas ooy sadex xabadood madaxa kaga dhaceen. Waxaa kale oo labada lugoodba ey jiidheysey darawalkii baabuurka oo isagoo dhaawac ah gaadhigii soo kaxeeyey keeneyna meydkii magaalada Awaash oo maalintii shaley lagu aasey marxuumkaas oo ey ka soo qeyb galeen aaskiisa dadwene badan oo kasoo gurmadey Magaalooyinka JigJiga, Diridhaba iyo Addis ababa.

Dadkii aaska kasoo qayb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Beeraha Abdulaahi Abdi Laag, Axmed Mowsar Budul Maareeyaha Masruuca Beeraha Galbeedka Godey iyo Maxamed Macalin Qaalib Gudoomiyihii hore ee Gobolka Godey iyo waliba masuuliin kale oo Killilka Soomaalida iyo Oramada ka yimid.

Markii la aasay marxuumka ka dib waxey booliskii illaalada u ahaa mudane Abdullaahi Abdi Laag ay isla deegaankii shilku ka dhacey ka qabteen 5 nin oo lagu tuhunsan yahey iney ugu yaraan xog ka hayaan gacan ku dhiig- layaashii dilkaas geystey waxeyna ku wareejiyeen booliska fedaraalka ee Dagmada Maeyso oo iyana ka mid ah Dagmooyinkii Oromada loo xukumey
halkaas oo boolisku ku hayaan ragaas la soo qabtey,su aalona laga weydiinayo falkaas la xiriira. Waxaa kale oo masuuliintii labada dhinac isku af garteen iney dadaal weyn ku bixiyaan sidii maxkamad loo hor keeni lahaa dan biilayaashaas faalkan ka danbeeyey.

Ma aha markii ugu horeysey ee deegaankaas falal kan oo kale ahi ka dhoco waxaa mudo 7bilood ka hor ah lagu diley wiil reer Dhagaxbuur ah oo la odhan jirey Karoor oo qaab kanoo kale loo diley isla goobtaas lafteeda iyadoo lagu joojiyey baabuurkiisii kontorool ciidamada Killilka Oromadu gacanta ku hayso oo ku yaala halka looga leexdo Bardoode oo ah meesha agteeda ee hadda lagu diley Mowliid Daahir, waxaa ka horeysey laba nin iyo qof dumar ah oo soomaali ah oo iyagana halkaas sanadkii hore lagu diley gaadhi ey wateena lagu dhacey.

Hadaba waxey noqotey goobtaas goob aad khatar u ah oo ey adag tahey iney si fudud Soomaalidu isaga marto. Maadaama ay arimahani qeyb ka yihiin colaada xun ee u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada ee ka dhalatey deegaanada ey isku heystaan ee intoodii badneyd Oromada la raaciyey.


Cali Dheere
Godeynews.com
Addis ababa

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com