PM Zenaawi oo odey dhaqameedka reer Ogaadenya u sheegay inuu wada hadal iyaga iyo ONLF uga socdo wadanka Imaaraadka Carabata
Waxaa dhamaaday wada hadalkii dhex marey guurtida reer ogaadeenya iyo dowlada dhexe ee fedaraalka oo uu hogaaminayo Raiisul Wasaaraha iyo waliba saraakiil sar sare oo ka socotey milatariga, khaastan waaxda nabad sugida wasaarada fedaraalka.
Kulankaas oo ey u dhanaayeen dhamaan odayaashii ka yimid jijiga iyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Ugaas Qani oo Addis ababa sii joogey aad ayey dowladu u soo dhaweysey iyagoo si aad u dag dag ah loo qaabiley ka na duwaneyd qaabkii hore ee ey mudo badan addis ababa ku jabi jireen. Hadaba waxaayabaha uu halkaas Zenaawi ka cadeeyey waxaa ka mid ahaa iney wada hadalo u socdaan dowlada iyo ururka ONLF kana socdaan wadanka Imaaraadka Carabta. Arintaas wada hadalka ayay odayaashu weydiiyeen PM miyaad heshiiseen oo howshaas ma ka baxnaa? waxuu ku jawaabey maya wali waxaa socda wada hadlkii waanse idiin baahnahey sidii loo xoojin lahaa iyo hadaad leedihiin qaab kale haloo galo.
Waxaa kale oo ay odayaashu ka codsadeen dawladda inay dibadaha soo aadaan si ay dadka dibadda jooga ula hadlaan ugana dhaadhiciyaan rayiga nabad galyada ee ay ku jiraan.