Miisaanayadii Gobalka Fiiq oo todobaadkan la fasaxi doono
Warar xog-ogaal ah oo Godeynews soo gaaraya ayaa sheegaya in lacagahii miisaaniyadeed ee ka xanibnaa in muddo ah Gobalka Fiiq lasii dayn doono todabaadka soo socda.
Miisaanyadan sii dayndeeta ayaa waxaa laga soo amray dhinaca dawladda dhexe, kadib markii ay siyaasiyiin deegaankaas ka imaaday ay arintan si toos ah u gaarsiiyeen dawladda dhexe oo amartay si degdeg ah loo sii daayo miisaanayadda xaniban ee Gobalka Fiiq.
Hadaba waxaa la filayaa isla marka uu M/weynaha Killilka mudane Abdullaahi Xasan dib ugu soo noqdo magaalada JigJiga inuu amro sii daynta lacagtaas oo marki horeba khalad loo xanibay.