Codsi Deg-deg ah: KA QAYB QAADO DIFAACA ABWAANKA MAXAMUUD C/LLAAHI CIISE (SINGUB). By Guled
Jan 8, 2006, Minneapolis, MN: Anagoo ah shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhamaan Deegaamada Soomaaliyeed ee 5-ta Soomaaliyeed waxaan go�aan ku gaadhnay inaan difaacno Abwaanka Soomaaliyeed ee la yidhaahdo Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub) oo sidaan xog rasmi ah ku helay la masabiday oo lagu soo oogay shirqool laga soo shaqeeyey in mudo ah.
Waxaanu baadhitaan dheer ka dib ogaanay:
In warka shabkadaha qaarkood ku qaran uu yahay warar beena oo ka duwan ka booliska Hannipen County uu diwaan galiyey sidaasi darted waxaan dad weynaha Soomaaliyeed ka codsanay inay ka feejignaadaan wararkaasi beenta ah.
Waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsiga masabiday Abwaanka uu xidhiidh aad u sokeeya la leeyahay nin aad u neceb Abwaanka oo muddo dheer aad ugu hawlanaa siduu Abwaanka sumcadiisa u baa�biin lahaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ku howlanahay sidaan u soo heli lahayn: magiciisa, halka uu dagan yahay iyo meesha uu ka shaqeeyo. Ilaa hada waxaa naloo xaqiijiyey inuu ka soo jeedo TUULADA BALI GUBADLE ee Gobolka Waqooyi-Galbeed.
Waxaan idinla socodsiinaynaa inaan bilownay �private investigation� u jeedadiisu tahay inaan soo kashifno kooxdii ka dambaysay shir qoolka. Waxaan kale oo dad weynaha Soomaaliyeed ee samaha iyo Soomaalinimada jecel ka codsanaynaa (meel kasta aad joogtiin) inay ka qayb-qaataan difaaca Abwaanka oo isagu in badan ka soo qayb qaatay ilaalinta danaha iyo dadnimada Soomaaliyeed ��now it is your turn to help him out�