Masuuliyiinta kale ee la socday ee la socday madaxa wasaaradda beeraha ayaa waxay kala ahaayeen; Gudoomiyiha Gobalka Godey mudane Nadiir Maxamed, mudane Abdiwahaab Kaahin, mudane Biixi cali Mataan iyo Yuusuf Gudoomiye ku/xigeenka Gobalka Godey.
Sababta ay masuuliyiintan u tageen deegaankaas ayaa waxaa lagu sheegay inuu M/weynaha Killilku u diray inay soo sameeyaan maamulkii degmooyinka Gobalka Godey, khaastan inay maamul loo dhan yahay usoo sameeyaan degmada Qalaafe oo dadka qaar aysan ku qanacsanayn sida maamulka degmada loo qaybsido. Sidoo kale waxay soo qiimaynayaan mashaaricda iyo haya'adaha kala gedisan ee ka hawl gala deegaanka.
Waxaa sidoo kale muddo aan aad u fogayn la sugayaa in deegaanka soomaalida laga qabto doorashooyinkii maamulka degmooyinka.