Mudane Nuur Zam Zam oo loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Godey
Maamulkii degmada Godey oo sida aan qoraalkaanigii hore aan ku qornay la kala diray shalay, ayaa waxaa isla maantana baarlamaankii degmada Godey ansixiyeen maamulka cusub ee degmada .
Waxaa gudoomiyaha degmada loo doortay mudane Nuur ZamZam oo hadda ka hor ka shaqeeyay qaybo kala gedisan oo maamulka degmada ka mid ah, muddo dheerna kamid ahaa masuuliyiinta sarsare ee ka shaqeyn jirtay mashruuca biyo xireenka galbeedka Godey. Sidoo kale waxaa madaxa maaliyadda dib loogu magacaabay mudane Xuseen Abdi Sahal oo isla maamulkii hore madax ka ahaa maaliyadda degmada.
Hadii aan nahay bahda Godeynews dib ayaan idinkala socodsiin doonaa waxii kale ee ku saabsan hawlaha ay guddigan ka qaban doonaan degmooyinka kale ee Gobalka Godey.