Tan iyo intii Kenya laga bilaabay dimuqradi nima sax ah sanadkii 1992, aya waxa kusii badanaya wadanka axsaabta siyasada, laga so bilabo 1992 ila manta in ka badan 35 xisbi oo siyasadeed aya ka diiwan gashan wadanka Kenya.
Siyasada madaxweynihii hore Moi aya ku saleysneed in uu abuuro axsaab fara badan si aan lo helin hal xisbi oo KANU latartama tasina wuu ku guulestay dorashadii dalka kadhacde sanadkii 1992 di. arintaas oo axsaabta mucaradka aay gadaal kafahmeen kadib markii KANU siyasada nocaas ah mar labaad kugulesatay dorashadi 1997di.
Dorashadii sanadkii 2002 di, aya axasaabta mucaradka ah sameystay isbaheysi sal balaran si xisbiga talada haaye mudada dheer ee KANU lagaga qaadi laha talada. Axsaabta marka ogu cadcada sida DP, NDP, FORD-K, SDP oo labaxay magaca NARC( National Rainbow Coalition ) aya isbaheystay iskuna raacay in mr.KIBAKI la tartamo MOI siyasadaas oo si ba'an lagaga guulestay KANU kadib muda 40 sana marku talada haye.
Sanadkii laso dhaafay ee 2005ti aya Kenya waxa kataagna buuq ku saabsan distuurka kaso markii golaha barlaman aay ansixin waayen shacabka afti laga qaade 21/11 si aqlabiyad na lagu riday, arintaas oo dhalisay iska hor imaad siyasadeed oo ba'an sababtayna in isbaheysigii KANU xilka ka qaade burburitaan qarka u saran yahay kadib markii madaxweyne kibaki 23/11 uu shaqada kaburiyay qaar katirsana golaha wasiiradiisa lakin si xoogle ogu ololeeynay in aay distuurka ridaan kuna guulesteen.
Xisbiga KANU aya hal dhagax laba shinbir kudilaya, xisbiga oo uu horseed kayahay wiilka madaxweynihii hore MZEE JOMMO KENYATA mudade Uhuru Kenyata aya wax walba oga muhimsan in isbaheysiga NARC burburo taas oo ah wadada kali oo xukunka kuso celin karta ila hadana ku guulestay uu wadada Kibaki kalexiyo xisbiga LDP oo ka tirsana NARC, LDP oo aay hogaminayan siyasiyiin waweyn sida wasiirkii hore ee jidadka mr. Raila Odinga wasiirkii hore ee degaanka mr. Kalonzo Musyoka iyo madaxweyna kuxigeenki hore Musalia Mudavadi aya kamid ah siyasiyiinta shaleey Kibaki talada u dhiibay mantana ku deeynay in uu xilkiisa si fiican u gudan waaye una qalmin in uu hogamiyo Kenya.
LDP iyo KANU aya kumidobay ololihii lagu ridaay distuurka walow lo arko Kanu danta aay kalahayd in aay intaas kabadneed oo u jeedadu aay ahayd NARC in aay laf-dhabarta kajebiso. Labadan xisbi oo aad isugu so dhowade aya labaxay magac cusub oo mideeya magacaas oo aha midka aay ku guulesteen waqtigii aftida. Orange Democratic Movement ( ODM ) arintan aya madaxweyne Kibaki walwal ku abuurtay waxuuna arkay in isbaheeysi cusub dhashay ee asna lamarindono wadada uu mariyay kii ka horeyay Moi. Kibaki aya siyasad cusub kenay oo ah in uu kala qeybiyo KANU iyo ODM kadib markuu fasaxay in la aas aaso axsaab cusub oo lamagac ah KANU iyo ORANGE arintaas oo hogamiyasha KANU (original) iyo ODM aay kacadhodeen una gudbiyeen maxkamada dawlada ayago ku edeeynay dawlada in ola jeedadu aay tahay sida tashwiish logu furi laha tageerayasha KANU ama ORANGE.
Kibaki aya adeegsanaya rag culculus oo kanu kabaxay sida Nicolas biwot ( total man ) oo isaga baxay kanu kadib markii uhuru kenyata lo dortay madaxnimada xisbiga sanad kahor.
ODM aya dhexdooda kalsooni fiican isu haynin LDP oo raba in aay madaxti nimada u tartamaan ayako adeegsanaay magaca ODM iyo iyo KANU oo lamid ah ayan la ogeen sida aay wax isula meel marin donaan ilaha hada 3 kamid ah LDP aya cadeyay mawqif kooda isuna so sharixi doona madaxti nimada halka dhinaca KANU aay 2 murashax kasocdaan, usbuuci laso dhaafay aya xisbiga KANU shegay in aay si gooni ah isu so sharixi donaan ayagoon wax isbaheeysi ah sameeysan arintaas aya madaxweyne kibaki iyo NARC farxad u ah.
Si kastaba ha ahate siyasiyiinya gobolka somalida aya marna kadhex muuqan siyasada hureeysa ee kenya, siyasiyiinta gobolka aya inta badan ku so galaa tickitka KANU lakin aan waxba ka ahayn xita KANU dhexdeeda halka gobolada kale aay leyihiin siyasiyiin misaan kule dawlada dhexdeeda lana qadariyo hadal kooda, marka maxa keenay in amusnaan daim ah aay ku jiraan siyasiyiinteena ?!