Aragtida Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo been abuurka lagu sameeyey Abwaan Sangub.
Abwaan Sangub isagoo waalan iyo isagoo fiyow labadaba kama suurtowdo in uu sameeyo falka laga sheegayo oo ah mid been abuur ah oo sharaftiisa wax loogu dhimayo" FANNAANIINTA SOOMAALIYEED
Dhawaan waxaa soo shaac baxay warar ay qoreen saxaafadda gudaha iyo Dibadda, kuwaasi oo sheegayay in Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub uu ku xadgudbay gabar Soomaaliyeed, taasi oo la sheegay in uu kula kacay falal ka dhan bani'aadannimada.
Haddaba Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa qoraal ay soo saareen oo ay ku sheegayeen in Abwaanka laga abuuranayo, sharaftiisana wax loo dhimayo, wuxuuna qoraalkaasi oo ay ku saxiixnaayeen inta badan Fannaaniinta Soomaaliyeed uu u qornaa qaabkan:
Haddii aan nahay fanaaniita soomaliyeed oo ku kala nool aduunka afartiisa gees waxaanu ka xunahay gafka weyn oo loo geestay abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub.
Fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan hobolada Waaberi Abwaanka aqoon weyn bey u leyihiin waayo Fanaanka Waaberi ugu yar waxay wada shaqeynayeen 20 sanno, waxaanu leenahay ma ahan qof ay ka suurtowdo waali iyo miirqab in uu waxaas sameeyo, waana ka xunahay ma geeyo Abwaanka qofkan warkaasina waa been aan sal iyo raad toona laheyn.