Maamulkii degmada Godey oo ka koobnaa 9 xubnood oo ( District Cabinet) ah ayaa 16/01/06 la kala diray markii laga reebo 3 xubnood oo kaliya.
Is badalkii maamulkaas waxaa goob joog ka ahaa mudane Abdullaahi Abdi Laag oo markii wax laga waydiiyay isbadelkaas ku tilmaamay inuu yahay mid maamulka degmada uu yahay mid tayo daran oo u baahan in la xoojiyo si ay wax uga qabtaan hawlaha balaaran ee shacabka degmadu u baahan yihiin in loo qabto.
Sidoo kale waxuu sheegay inay is bedalkan ka qayb yahay dib u habayn balaaran oo madaxweynaha killilku ku rabo in isbedal iyo tayo fiican la geliyo maamulada degmooyinka killilka kajira qaarkood.
Hadaba waxaa Godeynews u suurta gashay inay hesho magacyada maamulka cusub ee degmada loo sameeyey;