Sidaan la wada socono abaartii 2000 ka dhacday deegaanka Killika Soomaalida waxay ahayd mid aduunku aad uga wada gurmaday oo sahayatay dad iyo duunyaba, meelihii ugu darnaa xiligaas waxaa kamid ahaa Gobalka Godey oo abaartu si daran u wax yeelaysay.
Hase yeeshee maanta oo ay shan sano ka wareegtay ayaa haddana waxaa la sheegayaa in abaar tii lamid ah ay meelaha qaar ay billaabatay ama ay kasoo socoto sida Goballada Afdheer, Godey, Qoraxay iyo Fiiq ay yihiin meelaha ugu daran.
Abaartii dhulka ka dhacday sanadkii 2000 waxaa aakhirkii ka war helay oo u gurmaday aduunka oo cunto iyo biyoba gaarsiiyay dadkii tabaalaysnaa, hase yeeshee maanta xaaladda Ethiopia ayaa sidii hore aad uga badalan oo aan taageero fara badan aduunka ka haysanin, lumisayna saaxiibadadeedii caawin jiray. Sababtoo ah is marin waaga siyaasadeed ee ka taagan gudaha wadanka Ethiopia ayaa waxuu keenay in wadamadii deeqda siin jiray Ethiopia ay saluugaan qaabka uu Zenaawi wax u wado oo ay wadamada qaar ay joojiyaan macaawinadii ay siin jireen wadanka gebi ahaanba.
Sidaan la wada socono hadii ay wadamada deeqda bixiya iyo haya'adaha caalimiga ahba ay kaalmo damcaan inay usoo diraan dadka ku tabaalaysan gudaha wadanka waxay qaadini xilli dheer inay dadka tabaalaysan kusoo gaarto oo aan qiyaastii ka yarayn 4-5 bilood waana (Geographical location of the country).
Sidoo kale waxaa gudihii magaalooyinka kusoo qulqulaya dad ay abaartu wax yeelaysay oo ka imaanaya dhulka baadiyaha ah, dadkaasoo waxyeelaysay abaartu xoolihii ay haysteen, hase yeeshee markay magaalooyinka soo gaaraan aynan heleynin wax kaalmo ah oo kasoo horeysa oo loogu tala galay.
Hadaba mar Godeynews wax ka waydiisay masuul kamid ah haya'adaha ka hawl gala deegaanka Godey abaarta iyo sida ay uga tabaabushaysteen, ayaa waxuu sheegay inay abaartan hadii ay sidaan kusii socoto ka daran toonto tii sanadkii 2000 ku dhacday dhulka, sababtoo ah illaa iyo hadda ma hayno kaalmo rasmi ah oo aan gaarsiino dadyooga kasoo bara kacaya deegaamada ay tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah. Sidoo kalena ma awoodno inaan raashinka kaydka ah gaarsiino dadkan oo dhan oo marka ugu danbaysa isugu imaan doono meelaha ay isleeyihiin raashin ayaad ka helaysaan.