Maamulka Degmada Dhanaan ayaa khilaaf soo kala dhex galay ku saabsan miisaaniyadda degmada
Maamulka degmada DHANAAN ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf ku sal leh qaabka miisaaniyadda loo gaarsiinayo degmada iyo waxa lagu qaban hayo.
Khilaafkan ayaa sida Godeynews soo gaaraysa lagu sheegay inuu u dhexeeye Gudoonmiyaha degmada Dhanaan iyo madaxa Maaliyadda degmada oo si adag iskugu khilaafay markii lacagtii qaar ka mid ah laga saaray Bankiga magaalada Godey ayadoon gudoomiyaha lagala tashanin.
Hadaba sida la sheegayo madaxa maaliyadda ayaa lacagtii degmada ka qaaday Bankiga kadibna gudoomiyihii iyo madaxa maaliyadda ayaa isku qabsaday lacagtiina dib ayaa loogu soo celiyay bankigii. Kadibna waxaa arinta soo dhex gelay maamulkii Gobalka Godey oo kala dhexdhexadiyay lacagtiina dib u amray in Bankiga looga soo qaado Degmada lana gaarsiiyo dadka ku tabaalaysan deegaanada hoos yimaada degmada Dhanaan.
Is haysashada noocan oo kala ah ayaan ahayn wax degmada Dhanaan oo kaliya ah ku kooban ee waa mid magaallo kasto oo Killilka kamid ah ka jirta. Waa hadii ay noqoto Degmooyinka Gobalka Godey iyo hadii ay noqoto Degmooyinka Gobalada kaleba waxaa la isku raacsan yahay inay ka jirto maamul xumo xad dhaaf ah oo dabac sanaan fara badan ku keentay socodsiinta hawlaha muhiimka u ah bulshada ku dhaqan deegaanadaas.