Warshadda Biyaha Sifeeyso ( Saxan-saxo, Godey) oo laga Hirgelyey Godey
Waxaa magaalada Godey laga hirgeliyay Warshadda Biyaha Sifeeyso ooy maal-galiyeen ganacsato magaalada udhashay, taasoo dhowaan shaqo ka biloowday Godey. Warshadan ayaa la filayaa inay ka baahi tiri doonto magaalada Godey iyo magaaloyinka kudhow biyaha saafiga ah (mineral water) oo aad loogu baahna ayadoo hada loo soo dhoofiyo magaalada qiimo qaalina ahna dadweynahu ku gataan.
Waxay warshada saxansaxo soo saari kartaa 24kii saacadoodba 11000 liter oo biyo saafi ah oo aan lahayn (Germs), waxayna kordhin doonta tayada cafimaad ee gobolka oo jirooyin badan oo ka jira aay asal u yihiin biyaha aan sifeeysnayn ay dadku ka cabaan webiga ama ceelasha.
Maamulka warshadda ayaa hadda ku hawlan qaabkii ay qori lahayeen shaqaallo ka shaqeeya warshadda Saxansaxo Godey. Sidoo kalena inay ku dhiiri galiso dadka u dhashay gobolka Godey iney maalgashadaan dhulkoodi hooyo, ayadoo noqonaysa tii ugu horaysay ee noocan oo kale ah oo laga hirgaliyo gabolka oo dhan.
Warshada saxan-saxo waxeey mar dhow u sameyn doontaa dadka reer Godey ee dibada kunool in qofkii raba in ehelkiisa biyo sifaysan la gaarsiiyo loo furi doono Account ay biyaha sifaysan ku qaataan, kadibna laguu soo qiimeyn doono inta biyo sifaysan ee ehelkaadu isticmaaleen, waxii kharash ahna waxaad si toos ugu shubi kartaan account dibadaha ah ama aad usoo dartaan sida hadda bilalka aad u gaarsiisaan eheladiina joogta Gobalka Godey.
Hadii aad u baahan tahay inaad la xiriirto xarunta warshada ee Magaalada Gode. Waxaad la xiriiri kartaa;
Mr Mukhtar Macallin Ahmed Tel:+251257760395 Ama +251257760168.