Isku dhac dagaal qabiileed dhimashana keenay oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur
Warar ilo xog ogaal ah Godeynews kasoo gaaraya ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ka dhex dhacay labadii ciidan ee isku hor fidhiyay deegaano ka tirsan gobalka Dhagaxbuur ee ismaamulka soomaalida.
Dagaalkan ayaa waxuu u dhexeeyaa maleeshiyada kasoo jeeda beelaha SNM ee daga xaduudka u dhexeeya killilka soomaalida iyo gobalka waqooyi galbeed soomaaliya iyo qoys kamid ah beesha degan gobalka Dhagaxbuur. Sida la sheegayo 2 qof oo hor leh ayaa laga dilay qolyahan maleeshiyada ah ayagaana marka hore daan daansiga dagaal ka abuuray degaanka ay wada degaan dadka walaalaha ee hadda ku jira xaaladda abaareed ee inta badan saamaysay ismaamulka soomaalida iyo gobalka waqooyiga soomaaliya.
Hadaba waxaa jira dadaalo fara badan oo lagu rabo in lagu xakameeyo dagaal qabiileedkan, waxaa galabta degmada Dhagaxbuur ka baxay masuuliyiin sarsare oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobalka Dhagaxbuur iyo Hogaanka arimaha nabad galyada Gobalka iyadoo la sheegay inay un babaxeen meelaha isku dhacyadu ay ka dhaceen oo magalada Dhagaxbuur kaga aadan dhinaca Waqooyiga qiyaastiina ku aadan meelo ay iska soo gaaraan dadka reer miyiga ah ee labada deegaan.