Dhagaxbuur: Hal qof oo hor leh ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalkii aaga "Cawl Kudhal"
Wararka Godeynews kasoo gaaraya deegaanka Gobalka Dhagaxbuur ayaa waxay sheegayaan in maanta uu dhintay nin ku dhaawacmay dagaalkii maalin hore kadhacay agagaarka tuulada "Cawl kudhal" ee Gobalka Dhagaxbuur.
Sidoo kale waxaa iyaguna dhaawac sahlan ah illaa iyo 4 qof oo ku waxyeelobay dagaalkii maalin hore ka dhacay deegaankaas oo sida la sheegayo dhawacoodu uusan ahayn mid helis ah.
Waxaa maalmahan socday dadaal fara badan oo ay ku jireen masuuliyiinta Gobalka Dhagaxbuur iyo kuwa dhaqanko oo lagu soo afjrayay sii socoshada dagaaladan beelaha oo ay ka danbeeyaan maleshiyada beelaha isku magaacabay "Somaliland" oo runtii shaqo ka dhigtay xirxirka iyo si xun ula dhaqanka dadyooga soomaaliyeed ee kakal gooshaya xaduudka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethioppia.