GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Addisababa: 2058km oo jidad Jay iyo laami isugu jira oo laga hirgalinayo meelo kamid ah Goballada Killilka Soomalida

Warar xog-ogaal ah oo Godeynews kasoo gaaraya magaalada Addisababa ayaa waxay sheegayaan in golaha wasiirada dawladda federaalka Ethiopia oo uu hor kacayo raisul wasaare Zenaawi ay maanta ansixiyeen in laga hirgaliyo killilka Soomaalida Jid dheer oo badankiisu laami yahay kasoo dherarkiisu gaarayo 2058km. Hirgelinta jidadkan ayaa waxaa golaha wasaarudu ku dareen qorshaha horumarinta ee 5 sano ee socota ee wadanka loogu talagaley qaybtiisa khuseeysa horumarinta jidadka dawladda Killilka Soomaalida.

Jidkan qaybtiisa laamiga ah ayaa waxay kasoo bilaamaysaa magaalada Harar ilaa iyo Godey. Jidkan laamiga ah ayaa waxuu soo marayaa magaaloyinka JigJiga, Dhagaxbuur, Qabridahare, iyo Shilaabo. Waxaa jira jidad Jay ah oo cusub oo ka baxaya Godey ilaa iyo degmada Feerfeer oo xaduudka soomaaliya ah iyo mid kale oo ka bilaabanaya Godey illaa Hargeele oo ah xarunta gobalka Afdheer. Waxaa sidoo kale jira jid laami ah oo laga hirgelinaya meelo ka mid ah Gobalka Afdheer khaastan magaalooyinka Hargeele--Baareey iyo Dollo-Adow.

Waxaa iyadana naloo xaqiijiyay inuu jiro jid kale oo kasoo bilaamaya magaalada Baabile oo sii dhexmaraya Gobalka Fiiq illa iyo Imay bari oo ka tirsan Gobalka Godey. Meelo kamid ah Gobalka Libaan ayaa jid laami ah laga hirgalinayaa, hase yeeshee wali nalooma sheegan magaaloyinka ay kala yihiin.

Sida Godeynews loo sheegay jidadkan qaarkood ayaa hadaba dhismahoodii lagu dhexjiraa kuwa kalena waxaa la rabaa in labilaabo sanakan dhexdisa, hase yeeshee waxaa la rabaa in lagu soo gaba gabeeyo 5 sano ee socota.

Sidaan lawada socono isu socodka deeganadaas ayaa ah mid aad u liita badankiisuna ay sabab u tahay wado xumi soo jireen ah oo baabiyay dhaqaalaha dadka beecmushtarka ah ee ukala goosha deegamadaas iyo xaduudka soomaaliya, ganacsatadaas oo hadii mar baabuurtiooda mariyeen jidadka qaar ay adag tahay inay mar danbe kusoo laabtaan jidadkaas sababo jid xumi awgeed.

Qorshaha lagu hirgelinayo Jidadkan ayaa ah miday soo dhaweeyeen shacab weynaha kunool Kililka Somaalida oo runtii u baahnaa in muddo hore mashruucyadan oo kale laga hirgeliyo deeganadaas kuwaasoo wax badan katiri lahaa koritaanka awoododa dhaqaalle. Iskusoo duduuboo hirgerlinta jidadkan ayaa waxay u baahan tahay kharash badan iyo waqti dheer oo hadii ay dawladda fedaraalka hirgaliso wax badan ka badli doono nolosha dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas iyo dadka maal-geliyaasha ah ee hadda ka hor ka war-wareegayay inay maalkooda gashadaan deegaanadii ay u dhasheen.

Sidoo kale hirgelinta jidadkan ayaa wax badan ka qaban lahayd dhibaatada dadka ku haysata diyaaradda imaata magalooyinka Killilka Soomalida oo qaada 50 qof oo ka dhaxeysa dadka usocda kililka Soomalida oo dhan runtii hadii aad u baahato inaad aado magaaloyinka qaar sida Shilaabo, Qabridahare iyo Godey ay kugu qaadani muddo inaad hesho kursi banaan, sababtuna ay tahay dadka qaadka ka shaqaysta oo xiriir hoose laleh shaqaalaha diyaaradda u shaqeeya oo u badan qawmiyadda Axmarada.


Wacays,
Godeynews.com
Addisababa.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com