GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
M/Weynaha Killilka Soomalida Mudane C/laahi Xasan oo barito usoo amba baxi doona wadanka Canada, kadib markuu dib u dhac ku yimid

M/weynaha Killilka Soomaalida Mudane Cabdullaahi Xasan Lugbuur oo markii hore qorshihiisu ahaa inuu 27/01/06 usoo ambabaxo wadanka Canada si uu uga qayb galo shir kadhacaya magaalada Ottowa ayaa hadda waxuu soo baxayaa 28/01/06.

Mudane Cabdullaahi Lugbuur ayaa waxaa marka hore ku horeyn doonaa magaalada Ottawa oo ah meesha laga casuumay ee shirku ka dhici doono taasoo lafilayo inuu labo cisho joogi doono, kadibna waxuu tagi doonaa magaalada Toronto si uu ula kulmo uguna warbixiyo jaaliyadda reer Ogaadeniya ee ku dhaqan magaalada Toronto. Kadibna waxuu usii gudbi doonaa magaalada Portland ee wadanka Maraykanka oo iyadana kulano uu kuleeyahay.

Qorshihiisii hore ee safarka ayaa waxuu dib uga dhacay hal maalin sababo lagu sheegay inuu ku mashquul sanaa hawla la xiriira is haysashada cusub ee ismaamulka Killilka soomaalida ka bilaabatay oo lagu sheegay inuu hormuud ka yahay m/weynihii hore ee Killilka mudane Cabdi Jibriil oo aan wali ka samrin madaxweynamida Killilka oo afar bilood ka hor laga wareejiyay, hase yeeshee hadda ku mar-mar soonaya maxaa maamulka la iigu dhiibi waayey inta uu m/weynahu wadanka ka maqan yahay.

Dadka indha indheeya siyaasadda Killilka ayaa waxay ku tilmaameyn is haysashadaan soo kala dhex gashay maamulka Killika inay tahay mid aad usoo degdegtay oo aan lafilaynin xiligan, maadaama deegaanka badankiis ay ka jirto abaar daran oo dad iyo duunyaba wax yeelaysay. Masuuliyintan daba socda /jibriil ayaa waxa laga filayay inay maanta garab istaagaan maamulka Lugbuur oo runtii maalmahan ku mashquulsanaa sidii uu aduunka kaalmo ugu heli lahaa dadka abaarahu wax yeeleyeen. Laakiin waxaa nasiib xumo ah inay jiraan dad masuuliyiin ah oo maanta Cabdi Jibriil taagersan ama u ololaynaya in rabshadiisa la taageero, isagoo intuu meesha joogay kamasuul ahaa dhibaatoyin fara badan oo ka dhacay ama illaa iyo maantadanba kajira Killika Soomaalida sida isku dhacyada qabiilada iyo masuq maasuq xad dhaaf ah oo xoolo badan lagu dhunsaday.

Gebi ahaanba ishaysashadan maamulka soo kala dhex gashay ayaa ah mid aysan raali kahayn shacabka ku dhaqan deegaanka, waana mid lasii buun-buuninyo oo ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah wato, rabana inayna waxba ka kala soconin Killika, isla markaasna ay u fududaato in ninkastaba meesha uu madaxda ka yahay waxii dhaqaalle ah ee yaalla u dhunsado.

Qaacidada noocan ah waa mid caan ah oo masuuliyiinta killilku isticmalaan markay rabaan inay wax is daba mariyaan, maadama ay dadku ku mashquul sanyihiin qiiq been ah oo siyaasadeed ayaa iyaguna ninba nin kasii hoos guuraa oo meesha lagu kala tagaa, waxii yaalayna gacanta hor loogu sii dhigaa.

Isku soo wada dudooboo M/weynaha Killika mudane Cabdullaahi xasan ayaa ilaa iyo hadda u muuqda mid taageero balaaran ka haysta shacabka deegaanka oo weli rajo ka qaba inuu wax ka badalo qaab u socodkii hore ee maamuladii hore Killika soo maray oo badan koodu kusoo caan baxay musqmaasuq xad dhaaf ah oo sababay dib udhaca bulshada deegaanka ku dhaqan ka haysta maanta markii la fiiriyo dhinac walbaba.


Wacays,
Godeynews.com
Addisababa

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com