JigJiga: Isgaarsiintii magaalada Godey oo hadana hawada ka maqan
Wararka aan ka helayno Magaalada Godey iyo wadanka intiisa kaleba waxaay sheegahayaan in mar kale hawada laga waayeey is gaadhsiintii Magaalada Godey mudo dhan 6 bari. Waxaan illaa iyo hadda la garaneynin sababta, balse waxaa loo malayn hayaa cilad xagga farsamada ah oo hadda ka hor in badan dhacday, kadib markii qolyaha telefoonadu in badan sheegaan inay wadaan hawlo lagu ballaarinayo systemka telefoonada hadda laga isticmaalo magaalada.
Inta badan Engineerada jooga xarumaha is gaadhsiinta ee ismaamulka soomaalida ayaa kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, kuwaasoo aad moodo inaysan dan badan ka lahayn dhibaatada dadka ay la kulmaan markay telefoonadu sidan oo kale u ciladoobaan oo inta badan muddo qaadata inay hawada kusoo noqdaan.
Waxaa waayadan jirey in dadka loo sheegayay in lla casriyaynayo is gaadhsiinta kiliilka oo la geyn doono meelaha aaysan hada ka hore ka jirin is gaadhsiin telefooneed, waxaase moodaa inay ka haboonan lahayd in marka hore la,adkeeyo kuwii markii hore jiray.
Sida aan wada ogsoonahay Magaalada Godey waxay ahayd magaaladii ugu horeysay ee deegaanka soomaalida Ogadeeniya ee yeelata Telephone iyo Televion, balse laga calaacalo labaduba sida ay hadda ushaqeyaan.