JigJiga: Macalimiin Degmada Godey kasoo jeeda oo Macahadka Degmada Shaygoosh lagu qorey inay ka shaqeeyaan
Wararka aan kahelayno jigjiga ayaa waxaay sheegahayaan in macalimiintii sanadkan ka qalinjabisay macahadka macaliimiinta ee TTI jigjiga ee kasoo jeeday Degmada Godey in lagu qorey degmada ka fog ee Sheeykoosh ee Gobalka Qoraxey.
Arintan oo aan hada ka hore aan ka jire jirin kiliilka soomaalida ayaa waxaay Wasaarada Waxbarashadu sabab ka dhigaysaa Collegk Shaykoosh oo aan loo hayniin wax macalimiin ah ayaa sabaabtay in macalimintan reer Godey lagu qoro. Sababtuna waxay ku sheegeen inay labadooda deegaan ay isku dhaw yihiin.
Hase yeeshee Macaliimiintaas aay ku qancin arintas una arka mid cadaaadis lagu saarayo oo aan hadda ka hor dhicin. Mideeda kale waxaan wada ogsoon nahay inaysan macalimiintu qaadaniin mushaar ku filan hadii lageeyo meelo kalana waxaaba la kulmidoonan dhibaato dhaqaale oo mushaarka macalimiinta ayaa ah marka ugu horeysa 400Birr.
Hadaba macalimiintaas ayaa arintaas illaa iyo hadda saluugsan waxaay ku dadaal hayaan in arintaas ay ka noqoto Wasaarad Waxbarashada oo illaa iyo hadda jawaab laga sugayo.