KU: MDW. DEEGAANKA SOOMALIDA ITOOBIYA �M. C/LLAAHI XASAN,
KU: KU SIISIMAHA MDW. DEEGAANKA SOOMALIDA M. DAA�UUD DIIRIYE,
KU: MADAXA HOGAANKA NABADGALYADA �MAHDI YUUB,
KU: GUURTIDA BEESHA �ABSAME, JIJJIGA,
KU: JAALIYADAHA DIBADAHA- ABSAME,
OG: DHAMAAN BEELAHA DAAROOD,
OG: DHAMAAN BULSHADA SOOMAALIYEED,
UJEEDO: BAYAAN KU ABAARAN XUDUUDADA GOBOLKA DHAGAX-BUUR IYO GOBOLKA HARGAYSA
KA: GOLAHA BAD-BAADINTA DEEGAANKA IYO DANAHA ABSAME, JIGJIGA, ITOOBIYA
TAARIIKH: January 29, 2025
Waxaan jecelahay inaan idin dareensiino oo aan idinla socodsiino, in dhawrkii maalmood ee laga soo gudbay, ay saxaafada ku abtirsata beelaha Isaaqa hurinayeen colaad sokeeye oo ka dhex aloosanta beesha Arab, Isaaq ee deegaankeedu yahay degmada Baligubadle ee G/Waqooyi Galbeed, Soomaaliya iyo beesha reer Diini Maxamed, reer Isaaq-Ogaadeen ee deegaankeedu yahay degmada Cawl-ku-dhal, G/Dhagax-buur, Itoobiya.
Waxaan jecelahay inaan idin la socodsiino, in shaqsiyaad sita magac dhaqameedo sharaf leh (dhaqanka Soomaaliyeed, sida Suldaan, iwm.), iyo shaqsiyaad sita magacyo ururo siyaasadeed oo caan ah sida ururka UCID inay Been, Nifaaq iyo Munaafaqnimo ka wadaan magaalada Hargaysa, iyagoo ujeedadoodu tahay inay isku dilaan dad: daris ah, qaraabo ah, isku diin ah, isku daaqsin ah, isku jinsi ah, isku luuqa ah�,
Raad-Raac:
Waxaa jirta in Is-ticmaarkii kala qaybiyey ummadda Soomaaliyeed uu xuduud u sameeyey qabaa�ilada Soomaaliyeed qaarkood sida beelaha Absamaha degan Itoobiya iyo beelaha Isaaqa ee degan Waqooyiga Soomaliya. Markii xuduuda u dhaxaysa Absame iyo Isaaqa la dhagax-dhigayey, waxaa goob-joog ahaa duqayti (odayaal) ka soo jeeda labadaasi beelood oo isu dheeli-tirnaa. Wax-yaabihii lagu jaangooyey xuduuda markaas, waxaa ka mid ahaa meelaha ay qolo waliba xoolu ay u daaqayeen xilligaas (meesha daaqsintu ku ekayd).
Xaqiiqadii xuduuda rasmigga ah ee loo dhigay beelaha Absame iyo beelaha Isaaqa, waa xuduuda u dhigan Itoobiya iyo Soomaaliya, dhanka W/Galbeed.
Hadaba, Golaha Bad-baadinta Deegaanka iyo Danaha Absame wuxuu aqoonsan yahay xuduudaas oo markii ugu dambaysay la calaamadiyey 1954-kii.Waxaan aaminsanahay inay beel waliba (Absame/Isaaq) deegaankeeda ay ku ekaato.
Hargaysa: Jahliga iyo Xamaasadda
Laamaha cilmiga waxaa ka mida Cilmiga Joqoraafiga (Geography) oo ku saabsan sida dhulku u samaysan yahay iyo sida bulshooyinku u wada deganyihiin, iwm. Waxaa hadaba aan shaki ku jirin inayna: Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta ka hawl gasha magaalada Hargaysa ay ka qatanyihiin cilmiga Joqoraafiga.
Masalan, marka loo fiirsado hadalada iyo hadaaqa ka soo yeedhayey Fasal Cali Waraabe, gudoomiyaha ururka UCID, oo horay loogu tilmaamay �ilmo-yar-oo ooyaya �crying baby� oo aan wali si fiican u kala baranin hantida qoyskoodu leeyahay iyo hantida dariskoodu leeyahay, waxaa kuu cadaanaysa in Hargaysa lagu garasho la�yahay!
Xaqaa�iqda Dhulka iyo Dadka:
Xuduudka Absame iyo Isaaqu wuxuu maraaa badh-tamaha tuulada Baligubadle. Faysal, Salaadiinta Arab iyo Saxaafada Isaaqu sidaas ha u ogaadeen,
Hargaysa waxay dhacdaa W/Galbeed Soomaaliya ee kama tirsana Killilka 5aad ee Ismaamulka Soomaalida itoobiya. Dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee magaalada Hargaysa ka jira wuxuu gabi ahaanba ku tiirsan yahay Deegaanka Ismaamulka Soomaalida. Markasta, dadka Deegaankaasi xaq bay u leeyihiin inay: joojiyaan ama ay wax ka badalaan siyaasadda �labo-aflaynta ah� ee Hargaysa shaqaysato.
Waxaan ku talinaynaa in la qaado talaabooyinkan:
Ismaamulka Degaanka Soomalida iyo madaxda aan kor ku xusnay waa inay waajibkooda gutaan oo deegaanka ay u dhaarteen aan laga soo faragalinin Hargaysa. Waa inay maruun is-xilqaamaan oo tallaabo ka qaadaan maamulka Hargaysa ee sida tooska ah faraha ugula jira Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waa inay qaboojiyaan, isla markaana xaliyaan colaada beelaha reer Diini Maxamed iyo Arab ee ka aloosan xuduuda. Absame waa inuu si toos ah ula socdaa dhaq-dhaqaaqa Hargaysa iyo qayla-dhaanta markasta soo abaabulaysa �uufannaysyo� u geeriyoota macno la�aan, Salaadiinta, Suxufiyiinta, iyo Siyaasiyiinta Isaaqu, waxaan kula talinaynaa inay u dhaqmaan sidii duul miyir qaba.
Gabagabadii, Golaha Bad-baadinta Deegaanka iyo Danaha Absame wuxuu si xushmad leh dadka Soomaaliyeed ee danaynaya Soomaalinimada, wada jirka, nabad ku wada noolaanshaha uga codsanayaa in cuna qabatayn dhaqaale iyo mid bulsho lagu soo rogo dhamaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee laga leeyahay Maamulka W/Gaabeed.
WA BILLAAHI TOWFIIQ Golaha Bad-baadinta Deegaanka iyo Danaha Absame (GB&DDA;) [email protected]
Source: Somaliherald.com
|