GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Shirkii Mashruuca Horumarinta Waxbarashada ee Qabridaharre ee ka dhacay Minnesota oo soo gabagaboobay

Maalintii sabtidii 01-28-2006, ayaa waxaa ka dhacay magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota shir ay soo qaban qaabiyeen gudiga qaban qaabada ee mashruuca horumarinta Waxbarashada ee Qabridaharre shirkaas oo Jaaliyada Minnesota loogu warbixinayey wixii u qabsoomay mashruucu mudadii uu shaqeynayey.

Gudoomiyaha mashruuca Mudane Ahmed Cabdi Haybe ayaa wuxuu ammaan iyo boogaadin u soo jeediyey dhammaan intii ka qayb qaatey mashruuca, taagaradii iyo samafalkii ay la garab istaageen horumarinta waxbarashada Qabridaharre.

Gudoomiyuhu wuxuu ka warbixiyey wuxuu u qabsoomay mashruuca muddadii uu shaqeynayey iyo tallaabooyinkii uu qaadey iyo hada halka ay wax u marayaan, isagoo ku nuuxnuuxsadey baahida ballaadhan ee ka jirta magaalada Qabridaharre iyo siday mihiim u tahay in jaaliyadahu dhammaan ka qayb qaataan xalinta baahida badan ee jirta.

Shirkan oo ay ka soo qayb qaateen dhammaan qaybaha bulshada sida aqoonyahanada, dhallinyarada, culimada iyo waxgaradka jaaliyada Minnesota ayaa dhammaantood waxay soo dhaweeyeen dareenka horumarineed ee guddiga qaban qaabada Mashruuca Horumarinta Waxbarashada Qabridaharre meel kasta ooy joogaanba.

Aqoonyahanadii ka Hadley shirkaas waxaa ka mid ahaa Professor Maxamed Cabdi Xaaji �Gandhi� oo booqasho ku jooga wadanka Mareykanka, Minnesota isagoo tilmaamey inay talaabadani tahay mid wanaagsan dhaxal loo aayana ka tagi karta uuna xusuusiyey xubnaha mashruuca meel kasta ooy joogaan ineyna ka daalin shaqadan samafalka ah kuna booriyey jaaliyadu inay taageeradooda sii wadaan.

Gobolka Minnesota ooy dagan yihiin jaaliyad aad u ballaadhan ayaa guud ahaan mashruucan laga soo dhaweeyey isagoo mashruucu u shaqey doono qaab xubinimo ah si loo qiimeeyo xubnaha taageera horumarinta dalkii hooyo. Ugu danbeyntii, halkaa waxaa ka hadley dad fara badan iskuna raacay in loo guntada horumarinta dalkii hooyo lalana shaqeeyo gudiga qaban qaabada loona fududeeyo shaqadan ay u istaageen.

Gabagabadii shirka Bahda Horusocod ee mashruucan, xubnihii laf-dhabarta u ahaa ee ku kala nool aduunka dacaladiisa waxay mahad ballaadhan u celiyeen qurbo joogta u huray maalkoodii iyo maskaxdoodii walaalahooda ku nool magaalada Qabridaharre ee wakhtigu hayo waxayna xusuusiyeen inuu lama huraan yahay caws jiilaal.


Mahadsanidiin,

Qabridaharre Education project
Bahda horusocod

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com