Fiiq: Magaalada Dhuxun oo accounkeedii Degmo la xidhey
Wararka Godeynews kasoo gaaraya xarunta Gobolka fiiq ayaa sheegahaya in degmada dhuxun laxidhay Accounkeedii miisaaniyadda loogu soo shubi jirey.
Sababta loo xirey ayaan illaa iyo hadda la garaneynin, waxaa kale oo ay sheegayaan wararku in aay jirto tuhmo la tuhunsan yahay rag masuuliyiin ah oo deegaanka kasoo jeeda. Si kastaba ha noqotee xiri taankan accountikan Degmada ayaan sharciga loo soo marin, waxaana lafilayaa in si dhaqse ah dib loogu furo.
Magaalada Dhuxun ayaa ku taalla meel go!doon ah oo ka fog xarunta Killilka Soomaalida, waxaana sidoo kale jirin wax masuuliyiin ah oo heer Killil ah oo taga ama ka warhaya maamul xumida ka jirta Degmadaas oo inta badan aysan cidna lasoconin. Halka laga yaabo inaysan raga qaarkii aqooniin Gobolka ay kutaalo, kuwaas oo isku sheegaya Masuuliyiin.