Godey: Duqii Cusbaa ee Magaalada oo bilaabay isku shaandhayn magacyada xaafadaha magaaladu ka kooban tahay
Sidaan wada og soonahay duqa cusub ee magaalada Godey mudane Dayib ayaa lamagacaabay mudo laga joogo todobaad. Hadaba maxaa lataaban karaa oo uu dhaqaajiyeey si uu hawshiisa u guto.
Illaa iyo hadda, wararka laga helayo magaalada Godey ayaa sheegahaya inuu duqu bilaabay isku shandheyn dhinaca magacyadii xaafadaha oo markii hore ahaan jirey 6 xaafadood. Dad badan oo dadweynaha magaalada ku nool ah ayaa waxay u arkaan isku shandhayntan xaafadaha inay tahay mid aysan jeclayn oo jahweraeer keeni karta, maamul xumana salka ku haysa.
Mar lawaydiiyeey Mayorka magaalada laf ahaantiisa waxaa uu sheegay inuu dib u habayntaan usamaynayo sidii uu u hanaan lahaa wax soo saarkooda iyo nabadgalyada xaafadahaba. Xaafadaha la badalay magac yadoodana waxaa kamid ah 4aad oo magaca cusub ee loo bixiyeey uu yahay 1aad. Dadweynaha ayaa fikiro kala duwan kabixin haya ilaa iyo maalinkii la magacaabay mudane Dayib, sidoo kale waxaa durbaba lagu amaanay talaabo uu kaqaaday wadooyinka magaalada asagoo raba inuu dib usoo celiyo (masterplankii) wadooyinka magaalada oo dadku meelo kamid ah ay guryo ka dhisteen.
In badan ayaa laysku dayey in lahagaajiyo jidadka magaalada, hase yeeshee wax badan lagama qabanin, mar walbaa oo howshaa lasoo qaadana waxaa ka horyimaada caqabado aan la garanaynin.