Teamkan ayaa hawshoodu tahay sidii ay u fulin lahaayen shaqo ay leedahay Hay,ada Unicef, taasoo lagu daweyn hayo cuduro ku dhacay xoolaha kudhaqan Degmada Baareey. Dhakhaatirtan ayaa joogi doona halkaas mudo bil ah oo ay wadi doonaan daaweynta iyo baadhitaanka cudurada xoolaha ku dhaca.
Sida aan wada ogsoonahay Hay,ada Unicef ayaa kawada howlo badan kililka Soomaalida Ogaadeenya, howlahaas oo ay kamid yahiin daaweynta xoolaha iyo biyo dhaamin ay ka bilaawday meelo badan oo katirsan kiliilka.