South Africa: Dad udhashay Soomaalida Ogaadeniya oo Tuugo ku Dhacday magaalada Nazna ee Konfur Africa
Waxaa markay taariikhdu ahayd 06/02/06 la boobay dukaamo badan oo ku yaalay magaalada Nazna ee wadanka Koonfur Afrika, taasooy boobeen dadweyne gadooday oo tuugo ah.
Sida lasheegayo dhamaanba dukaamadii halkaas ku yaalay oo ay lahaayeen dad udhashay Soomaalida Ogaadeniya ayaa la gurtay hadh cad waxaana boobay dadkii deegaankaas ku noolaa.
Markaan u kuurgalayna sababtii waxaa la iisheegay in wiilasha dukaamada joogay mid kamid ah uu uleeyay wiil dadka meesha degan ah oo kadibna dukaamadii lagu soo duulay oo waxii yaalay hadhkoo cad la qaatay. Nasiib wanaagse dadkii Dukaamada lahaa masoo gaarin wax dhimasho ah ama dhawacba oo midna meesha kama dhicin.
Dhibaatan ayaa ah mid soo noq noqota oo mar kastaba haysata Soomaalida halkaas ku dhaqan oo aan haysanin wax sharci ah oo budhcadda ka ilaaliya, mararka qaarna xabad ayaaba la ladhacaa.
By Abdiraxmaan Axmed, Godeynews.com Konfur Afrika.