Sidii aan idiin balan qaadnayba waxaan idinka haqabtiri doonaa barashada dhulkeena hooyo ee Ogaadeenya. Markana waxaad kusoo dhawaataan magaalada inta badan dadkeenu ay uyaqaanaan, inaay tahay mida ugu da,da weyn. Halka kuwo kalana ay meelo kale ku sheegaan, toloow waa tee ?
Bal markana kusoo dhawaada niinkan dhalinyarada ah ee aadka oola socda Degmada Dhanaan iyo taariikhdeeda. Marka hore degmadan waxay kutaala Gobolka Godey iyadoo ujirta masaafo dhan 75 km dhinaca Waqooyiga, markii aad damacdo inaad aado Dhanaan adiigoo jooga Godey waxaad tagaysaa astaanka looga raaco baabuurta Dhanaan iyo Qabridaharre oo ku taala Magaalada badhtankeeda, meesha looyaqaano suuqa reer maxamuud faarax ama (Oreteeshiinkii hore), markii aad ka dhaqaaqdo halkaas ayaad waxaad sii mareeysaa haarta Bookhate, Weyla-Sidig iyo Weyla-Dhaa, kadibna qabalaha da,da weyn ee Hadhaawe oo leh Ceelaal badan haddana isu badashay magaallo aad u weyn.
Wax yar markii aad kasii socoto waxaad siimari geed Qudhac ah waxaana lagu sheegaa inuu yahay midka kala badha Dhanaan iyo Godey. Intas wixii ka dambeeya jidka udhaxeeya Dhanaan iyo Godey wuu xumaan hayaa oo waa jajaban yahay, waxaad kubixi beerihii oo ka bilaami dooxa weyn, taasoo cadaynaysa inaad soo gaadhay Dhanaan iyo dhuurkii.
Wax yar dhagayso; Dhanaan oo ku tilmaaman Magaalo taariikhi ah waxaay iska leedahay halku dhagyo ee dhageyso
"Salku waa Dhanaan" "Ooman Hadhcad Bay Timid) "Dhuurkii Danwaa" "Dhax yar Dhuubooy Dhanaan Dhar Ma kaaga Gadaa" iyo kuwo kale.
Hadaba maxaa ugu caansan Dhanaan? Xagayse ku yaalaa Dhuurka Danwaa? Xagay ku taalaa Kali?, meesha la dhaho odaydii Ogaadeen ayaa Amxaaro ku doortay oo Ingriiss ku diiday.
Waxuu kaga yaalaa Magaalada dhinaceeda bari ama Waabari waxay kale oo ay dad badan ku yaqanaan meesha caanka ah ee "KALI", oo ujirta 15km iyo waliba meeha ay Dhanaan biyaha kahesho oo layidhahdo Garbo-dhiig. Waxyaabaha Dhanaan ay hodan ka tahay ayaa waxaa kamid ah ah dhulka beereedka, meealaha ugu caansan ayaa ah; Goodirey,Cowley,Gaadley. Toga mara Dhanaan ayaa ah Laago isku soo daray sida Bawa, iyo Ooman, kadibna ay kusoo darto Cobaley. Waxuu Togaas dhaxmaraa Magaalada inta badana ay ku tiirsanyahiin dadweynaha kunool Dhanaan.
Nasiib xumo Magaalada ayaa biyo la,aan ah oo ceelashii laga qodey ayaa noqdey wada cusbo aan la cabin karin, ceelka ugu dhaw oo ay dadu baiyo la cabi karo ka heli karaan ayaa ah Koore oo ujira 12km, waxay sidoo kale Koore leedahay school iyo xafiisyo sida degmooyinka kale ah.
Dhinaca kale Magaalada Dhanaan sida magaaloynka kale ee deegaanka badankood ayaan lehayn wax horumar ah oo hadda lagu sheekeeyo, laakiin, magaaldu waxay leedahay isbitaal yar oo ay maamusho Hayadda OWDA oo uu gacanta ku hayo Dr Saadiq, waxay kale oo bilaabaysaa biyo gelintii sanadkan dhexdiisa.
Dhanka kale ganacsato reer Dhanaan ah ayaa is abaabushay oo waxay soo gadeen matoor weyn oo nalka siiya magaalada, kaasoo la daaro habeenkii magaaladana inta badan nalka siiya. Xaaafdaha magaalada ayaa ka kooban labo kala ah ; Reer masaajid iyo Reer Siibad.
By jaho-adag, Godeynews.com Godey.
|